Wararka laga helayo Degmada Buulo Xaawo ee Gobalka Gedo aya sheegaya in galabta dhaawac uu soo gaaray Mukhtaar Roobow iyo horjoogayaal kale.
Warku waxa u uintaas ku darayaa in Horjooge Mukhtaar Roobow uu dhaawac soo gaaray kadib markii ciidamada Dowladda ay duqayn u gaysteen maleeshiyaad ku sugnaa Beled Xaawo, waxaana sidoo kale halkaa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray maleeshiyaad kale iyo horjoogayaal madax u ahaa Dhallinyaro ay ka soo qafaaleen Gobalada Gedo Iyo Bay.
Duqaynta kadib waxaa ku dhacay argagax iyo kaal firxad, Fu'aad shongole ayaana ka mid ahaa dadkii halkaa ka fakaday wuxuuna gaaray Tuulo Barwaaqo oo U dhaxaysa Beled Xaawo iyo Garbahaareey.
Maalinimadi shalay ayaa waxaa gaaray deegaan u dhaw Buulo Xaawo Mukhtaar Roobow iyo Fu'aad, waxaana la sheegayaa in maalmihii la soo dhaafay ay wadeen dhaqdhaqaaq ay ku samaynayaan isbahaysi ka kooban Gobalada Gedo, Bay iyo bakool oo ay ku doonayaan in ay ku wiiqaan awoodda Axmed godane kadib markii ay isku khilaafeen Hoggaanka Maleeshiyaadka sii liiceysa ee Shabaab.
Wixii War ah oo ku so kordha waan idiin so gudbin doonaa Insha Allaah.