"Somaliland" waging a war against Pan Somalism & yet scared to fight a single German Pervert...
Xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa magaaladda Hargeysa kasii deysay nin u dhashay dalka Jarmalka oo dhacdo xanuun leh ka geystay magaaladda Hargeysa.
Somaliland ayaa dib u sii deysay nin u dhashay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Gunter Bischof, kaasoo falal anshaxa wanaagsan ka baxsan, ka sameeyay magaaladda Hargeysa, isla-markaana dhacdadaasi ayaa waxaa wal wal baahsan ka muujisay inta ku hadasha afka Somaliga.
Warar hoose oo ay Shabakadda Dhacdo.com ka heleyso saraakiisha Somaliland ayaa waxay sheegayaan in dowladda Jarmalka iyo Somaliland ay ka wada hadleen mustaqbalka Gunter Bischof oo falal anshax daro ah ka geystay magaaladda Hargeysa.
Wada-hadalada ay yeesheen Jarmalka iyo Somaliland ayaa wuxuu kusoo idlaaday, in Somaliland ay magaaladda Hargeysa ka musaafuriso Gunter Bischof, oo ay ku xukuntay xariga gaaraya afar sano iyo ganaax lacageed oo ah $10,000-doolar.
Majirto wax lacag ganaax ah oo ay Somaliland ka qaaday muwaadinkaasi u dhashay dalka Jarmalka, balse Somaliland ayaa dowladda Jarmalka ka heshay balan qaadyo aan la-shaacin nooca ay yihiin.
Inta badan shacabka ku dhaqan magaaladda Hargeysa oo aan waxba kala socon sii deysmada ninkani ayaa waxay kusoo baraarugeen in Somaliland ay musaafirisay ninkaasi, iyagoo shacabka isweydiinaaya sababaha ay Somaliland ugu deg degtay sii deysmada Gunter Bischof, xilli aysan waxba kala socon shacabka.
Caasha C/Laahi “Tuuni”
Hargeysa, Somaliland