BUHODLE: Magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn ayaa saaka si wayn looga xusay maalinta qashin gurka iyo nadaafada SSC oo ku beegan 18 May, shacabka ku dhaqan magaalada buuhoodle ayaa dareeray saaka hiirtii qashin gur iyo nadaafad guud.
Wararka ka imaanayaa magaaladaas ayaa tibaaxaya in saaka si wayn magaalada loogu qalab uruursaday sidii nadaafada guud looga qayb qaadan lahaa.
Sameecadaha codka fogeeya ayaa baabuurta lagu rakibay iyadoo shacabku isku wacyigelinayeen nadaafada iyo heerka ay ka taagantahay jiritaanka aadamaha.
Wararku waxay intaa ku darayaan in ciroole iyo caydi ayna saaka reer buuhoodle ukala hadhin xuska maalinta Nadaafada iyo qashin gurka SSC
Sidoo kale wararka ka imaanaya deegaamada SSC qaarkood ayaa tibaaxaya in si wayn saaka loogu dareeray xuska maalinta qashin gurka SSC ee ku beegan 18ka may.