Maakhir State oo Dib Wasiiro Loo Magcaabay Akhri Golaha Xukuumada
Badhan:- War-Saxaafadeed Laga soo saaray Magaalada Badhan oo Saldhig u ah Maamul Goboleedkii ugu Horeeyay ee Mataaneeya Puntland iyo Somaliland ee Maakhir State ayaa Maanta soo saaray Liis dib loogu Magcaabayo Xubnaha Xukuumadaasi ay ka Koobnaandoono Wakhtigan.
Madaxwaynaha Maamulkaasi Coll Jibriil Cali Salaad Aadan ayaa sheegay inuu dib Golaha xukuumada Isugu shaandheeyay ka dib xoogaa Gaabis ahaa oo Laga dareemay Golihii Hore.
Maakhi State ayaa sanadkii 2007- looga dhawaaqay Magaalada Badhan waxana uu ahaa Maamul Goboleedkii ugu Horeeyay iyada oo la xusuusto Inta Maamul Goboleed ee Gudaha Somaliya Laga Yagleelay.
Dadka siyaasada Somaliya Falan qeeya ayaa leh waa deegaan u aqalma Maamul Goboleed Marka la eego bay Leeyihiin Istaraatiijiyada dhulkaasi uu leeyahay sida Xeebta iyo Baaxada Bariga waxana durba soo dhaweeyay Beesha Caalamka oo Horay u sheegtay inay la shaqayndoonaan Maamul Goboleedyada kuwaasi oo Caqabad ku Noqondoona Kooxaha Xagjirka ee doonaya inay Somaliya Xufba Maalin Goostaan.
Gaba Gabadii waxaanu soo dhawayn Cid kasta oo u Taagan Isu keenida umada Somaliyeed anaga oo Garab taagan Xukuumada TFG, MaakhirStatewaxay Xidhiidh Qota dheer la Yeelandoonyaan Maamulada SSC iyo Raascaseyr State oo aanu u Aragno inay yihiin Kuwa ku dhisan Qaab Waafaqsan Nidaamka Federaalismka ah
DAWLAD GOBOLEEDKA MAAKHIR STATE SOMALI (DGMSS)
KU CIDAY KHUSAYSO
UJEEDO:DISMAHA DAWLADDA DGMSS
Waxaa hoos ku magcaaban madaxda DGMSS qaarkood
1- Axmed Guure Aadan Maxamexwayne Kun Xigeenka DGMSS
2- Farax Xasan Shabeele Hoghayaha Macdanta iyo Biyaha ee DGMSS
3- Maxamed X Geele Yuusuf Xoghayaha Arrimaha Gudaha iyio Nabad gelyada ee DGMSS
4- Axmed Faarax Cali (bidaar) Xoghayaha Qorshaynta ee DGMSS
5- C/risaaq Maxamed Xasan Xoghayaha Maaliyadda ee DGMSS
6- Maxamuud Jibriil Yuusuf (Gorayo) Hoghayaha Waxbarashada iyi Barbaarinta ee DGMSS
7- Ibraahin Maxamed Cumar (caato) Xoghayaha Hawlahah Guud iyo Guriyaynta ee DGMSS
8- Muna Jaamac Cabdi raage Xoghayaha iskaashiga iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee DGMSS
9- Fatxiya Maxamuud Xoghayaha Qawska iyo arrimaha Bulshada ee DGMSS
10-Eng C/raxmaan Siciid Galaydh Xogtahaya Duulista iyo Gaadiidka dhulka ee DGMSS
11-Jaamac Ayaan Ismaaciil Fayte ) Afhayeenka Madaxtooyada ee DGMSS islamarkaana ah Agaasimaha guud ee W/Warfaafinta DGMSS
Madaxwaynaha DGMSS JibriilCaliSalaad Aadan____
Maakhir State Badhan- Somalia
Email:- maakhir.govt@gmail.com