Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo balanqaaday in dowlada dalkaasi ay kala shaqeyn doonaan sugida ammaanka.
Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya Maxamed Cali America ayaa waxa uu sheegay in markii ay bateen xaalada cabsida Kenya ay ka qabto dhinaca amaanka in dowlada Kenya ay kala shaqeynayaan sugida dhinaca ammaanka.
“Dowladda Kenya waa dowladda kaliya ee ogolaatay in qaxooti badan oo Soomaali ah ay halkaasi tagaan, islamarkaana taasi dowladda aysan raali ka aheyn in dalka Kenya ay ka dhacaan waxyaabo wax u dhimi kara dhinaca ammaanka, anagana ma ogolin in wax loo dhimo ammaanka dalkaasi” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya Maxamed Cali America.
Safiirka Soomaaliya Maxamed Cali America ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka gacan siinayaan sugida ammaanka dalka Kenya, wuxuu sheegay safiirka soomaaliya inay dadka Soomaaliyeed ku wargeliyeen in haddii ay arkaan waxyaabo ammaanka Kenya wax u dhimi kara.
Safiirka Soomaaliya oo u waramaayay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo aan dhibaato ka wadin dalka Kenya, islamarkaana ku dadaala inaysan dhibaato ka dhalin goobaha ay nabadda ku haystaan.