It started when the Kenyan soldiers captured Somali students crossing the border and some youth that live in Xafaada Mareexaan in Mandera, and the Gedo administration was already in feud with Kenya. The Soldiers in Beled-Xaawo opened fire on the border-control on the two cities. Then the Kenyan and Somali soldiers soldiers clashed for a period of 30 minutes. The clash has calmed afterwards. Later on 3 hours later, Kenyan government deploys soldiers in the border.
Dowladda Kenya ayaa ciidamo xoogan oo isugu jira Militari iyo Boolis soo dhigtay xadka ay wadaagaan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo howlgalo aan caadi ahayn ka sameeyey halkaasi ku qabqabtay Dhalinyaro badan oo Soomaali ah.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Mandheera waxay sheegayaan in Ciidamada dowladda Kenya ay gacanta ku dhigeen dhalinyaro badan oo Soomaali ah kuwaasoo ku sugnaa magaaladaasi.
Ciidamadan ayaa sidoo kale la sheegay in ay howlgalada baaritaanada ah ka wadaan dhulka howdka ah ee Xaduudaha ay wadaagaan soomaaliya iyo Kenya, iyadoo saraakiisha Ciidamada Amaanka ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgaladaasi lagu xaqiijinayo Amaanka.
Ugu danbeyntii maalmo ka hor ayay ahayd markii Muwaadin u dhashay dalka Ingiriiska laga qafaashay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.