Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Hiil Qaran doing big !

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Mondey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4427
Joined: Fri Jun 17, 2011 9:44 pm
Location: We'll resist and fight again, Strangers, thats's how freemen feel in a world of slaves.

Hiil Qaran doing big !

Postby Mondey » Sat Dec 31, 2011 7:24 am

Jimce, December 30, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Hogaamiyayaasha xisbiga Soomaaliyeed ee Hiil Qaran oo shir maanta ku qabtay Hotelka Laico Regency ee magaalada Nairobi ayaa ka hadlay safar ay dhawaan ku tageen magaalada Muqdisho iyo sida xal loogu heli karo dhibaatada Soomaaliya.

Proffesor Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah hogaamiyayaasha xisbiga Hiil Qaran ayaa ka sheekeeyay waxay ku soo arkeen magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay burburka ka muuqda Muqdisho inay u ekeetay magaalo lagu dhuftay hubka Nuclearka.

“Waxaan tagay 58 wadan oo dunida ku yaalla oo ay kamid yihiin magaalooyinka Heroshima iyo Nekesaki ee waddanka Japan oo lagu dhuftay Nuclear, balse muuqaalka Muqdisho ayaa igala naxdin badnaa, 90% way burburtay magaaladu waxay u ekayd magaalo lagu dhuftay Nuclear”. Ayuu yiri Samatar oo jeediyay khudbo qiiro galisay dadkii halkaas joogay.

“Wadadii Maka Al-mukarrama ee ahayd halbawlaha caasimada, way burburtay, hogag ayay isu badashay, shacabkana dac darro ayaa ka muuqatay”. Ayuu sii raacshay intii uu ka sheekaynayay baaxada burburka gaaray Muqdisho.

Prof. Samatar ayaa dhanka kale rajo ka muujiyay mustaqbalka Soomaaliya, isagoo xusay inuu Muqdisho ku soo arkay dhalinyaro Soomaaliyeed oo jecel inay wax qabsadaan, balse ay haysato hogaan la’aani.

“Jaamacada ayaan khudbad ka jeediyay boqolaal ayaa isugu timid, taasi waxay ku tusaysaa inay dadka rajadoodii ayan dhiman”. Ayuu yiri.

Cabdulaahi Faarax oo isna kamid ah xisbiga Hiil Qaran ayaa safarkoodii ku sheegay inay ku tageen qaybo kamid ah magaalada Muqdisho iyo xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah, oo uu sheegay inay haysato xaalad nololeed oo aad u adag.

Xamdi Cabdulle oo kamid ah hogaamiyayaasha ururka ayaa iyaduna ka hadashay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ciyaareen xilligii burburka oo ay ku tilmaantay inay jihad u galeen sidii ay u badbaadin lahaayeen nolosha qoysaskooda.

“Haweenku waa kuwa lacagta ugu badan dibadaha kasoo dira, waa kuwa dalka qoysaska jooga u shaqeeya, saasoo ay tahayna doorkooda laguma xaq dhowro oo waxay la kulmaan tacadiyo raggoodiina waa kuwo iska qayilaya”. Ayay tiri Xamdi.

Xamdi ayaa haweenka Soomaaliyeed ku tilmaantay inay yihiin hooyooyinka ugu kartida badan ee mar walba kasoo saara dalka iyo qoysaskoodaba marxaladaha adag.

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macallim oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu taageeri doono ururka Hiil Qaran walow uu tilmaamay in ururo badan oo uu taageero la garab istaagay ay ku guul darraysteen arrimaha Soomaaliya.

Faarax Macallim ayaa ka codsaday Soomaalida inay dalkooda u soo jeestaan ayna wax ka qabsadaan.

“Muslinka indhaha duubtay ee dalalka kale ka yimid ee Soomaaliya Alshabaab ay keentay ma dan baa ugu jirta Shacabka Soomaaliyeed? Soomaalida waxaan u sheegayaa muslinka dhulku isuguma jiro nin walba waddankiisa ayuu leeyahay, sucuudiga xataa oo baytkii barakaysnaa ku yaal fiiso ayaa lagaa rabaa, marka Soomaaliyay isku tashada”. Ayuu yiri Faarax oo aad ay ugu sacabiyeen dadkii halkaasi isugu yimid.

Kulankii ay qabteen xisbiga Hiil Qaran oo ay sidoo kale isugu yimaadeen masuuliyiin kala duwan iyo taageerayaasha xisbiga ayaa ugu dambayntii lagu soo afmeeray fariimo ay dirayeen hogaamiyayaasha xisbiga oo sheegay in Hiil Qaran uusan taageero ka helin cidna ayna ku tiirsanyihiin oo kaliya lacagaha ay iska aruuriyaan xubnihiisa.

Waxayna ugu baaqeen Soomaalida inay garab istaagaan xisbiga ama ay abuuraan qorshayaal kale oo dadka iyo dalka lagu badbaadinayo, iyagoo xalka Soomaaliya sheegay inuu ku jiro Soomaalida oo gacmaha is qabsata lagana shaqeeyo sidii dib loogu yagleeli lahaa is jacaylkii Soomaalida ka dhaxayn jiray.

for pictures
http://www.hiiraan.com/news/2011/Dec/wa ... -16377.htm

User avatar
Mondey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4427
Joined: Fri Jun 17, 2011 9:44 pm
Location: We'll resist and fight again, Strangers, thats's how freemen feel in a world of slaves.

Re: Hiil Qaran doing big !

Postby Mondey » Sat Dec 31, 2011 7:28 am

they went to muqdisho then Nairobi. :up:

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: Hiil Qaran doing big !

Postby XimanJaale » Sun Jan 01, 2012 7:37 pm

I wish this party all the best :up:

All Somalis should try and rebuild their country and participate in the politics of the country. :som:

User avatar
Mondey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4427
Joined: Fri Jun 17, 2011 9:44 pm
Location: We'll resist and fight again, Strangers, thats's how freemen feel in a world of slaves.

Re: Hiil Qaran doing big !

Postby Mondey » Mon Jan 02, 2012 12:36 pm

I wish this party all the best :up:

All Somalis should try and rebuild their country and participate in the politics of the country. :som:
yes right.. but they should not try to take advantage of people and work for their own personal agendas.. they should be like Hiil Qaran working for the greater good :up:

User avatar
galia
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8785
Joined: Tue Mar 15, 2005 6:32 am
Location: 46464
Contact:

Re: Hiil Qaran doing big !

Postby galia » Mon Jan 02, 2012 1:44 pm

Proffesor Axmed Ismaaciil Samatar is a well respected Somali nationalist veteran. I wish Hill Qaran the best.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 19 guests