Males Zanawi ” Maalmaha Soo Socda Kismaayo ayaan qabanaynaa
Published on May 22, 2012 by sooyaalo
Addis Ababa Sooyaal News Network
Raysul-wasaaraha dalka itoobiya Males Zanawi oo waraysi dheer siiyay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in qorshaha Somalia uu yahay mid ay ka damacsanyihiin waji cusub oo dagaal.
Mr.Zanawi ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee galay Somalia ay ku kashifmeen duullaanka ay Somalia, waxaana uu intaa raaciyay in ilaa iyo iminka ay dhaafi waayeen agagaarka Afmadoow .
Raysul-wasaaraha itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in haatan waxa ugu horreeya ee gacanta ay ku dhigi doonaan ay tahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
“Muddo ayan kawar sugaynay ciidamada Kenya laakiin ma cadda waxa ay ka maaganyihiin Kismaayo”
Waxaa uu intaa raaciyay
“Ciidamadayadu khibrad ayay u leeyihiin sidii ay ula waregi lahaayeen kismaayo waana waxa ugu horreeya aan qabanayno haatan”
Dhawaan ayaa saraakiisha ku sugan gobollada dhexe ee Somalia waxaa ay ku hanjabeen in sida ugu dhaqasiyaha badan ay kula wareegi doonaan magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose .