Lixda Saxiixayaasha Roadmap-ka Shir culus uga furmayo Todobaadkaan
Posted by Pi on June 19th, 2012
Nairlbi(Pi) Hogaamiyayaasha Soomaaliya ee wadajir ahaan loogu yeero Lixda Saxiixayaasha ayaa shir uga furmayaa Kenya dabayaaqada todobaadkaan, sida ay wararku kusoo gaareen Puntlandi waxaa shirka looga hadlayaa arimo xasaasi ah waxaana kasoo qayb galaya Masuuliyiin Bulshada Caalamka ka socda.
Inkastoo laga gaabsadey ajandaha shirka hadana waxaa jira warar aan siyaabo hoose u helney oo sheegaya in looga hadlayo arimo la xiriira Masuuliyiinta Dowlada KMG qaarkood oo loo sheegayo ineysan isu soo sharixi karin doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ee bisha Ogosto, Iyadoo sabab looga dhigey dambiyo lacago la musuq maasuqey oo laga eedeynayo Masuuliyiintaan.
Waxaa kaloo sida aan warka ku helayna jira rag kale oo iyana ku jira liiska dadka lagusoo eedeeyey Musuqmaasuqa lacageed kuwaasoo iyana la shaacin dolno ineysan isasoo sharixi karin.
Kiiskaan lacagaha la lunsadey ayaa ah warbixin ka kooban todobaatan bog oo Madaxda Dowlada lagu eedeynayo iney lunsadeen aduun kor u dhaafaya boqol milyan oo doolar mudadii u dhaxaysay 2009 ilaa bilowgii 2011.
Dadka la eedeynayo waxaa ka mid ah Madaxdii ugu sareysay Xukuumada KMG ee sanadahaas iyo waliba wasiiro dhowra
Wixii faahfaahin ah ee ku saabsan shirkaan maanta ayaan idiinsoo gudbineynaa.