Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Hawiye Elders Stood for Islam

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Hawiye Elders Stood for Islam

Postby AbdiWahab252 » Mon Jul 23, 2012 5:36 pm

Qaar ka mid ah Odayasha Hawiye oo isaga baxay Shirka ka socda Muqdisho
SHABELLE MEDIA NETWORK JULY 23, 2012 COMMENTS OFF






Nabadoon Max’ed Xasan Xaad
Muqdisho: (Sh. M. Network) Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Beelaha Hawiye ayaa shaaca ka qaaday inay isaga baxeen shirka Odayaasha dhaqanka ugu socda Magaalada Muqdisho kaasi oo la doonayo in lagu soo xulo Ergo ansixinaysa Dastuurka.

Kaddib shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Beelaha Hawiye, kana mid ahaa Odayaasha ku shirsan Muqdisho ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in gabi ahaamba ay isaga baxeen shirkii Odayaasha dhaqanka ugu socday Muqdisho kaasi oo la doonayay in lagu soo xulo Ergo ansixisa Dastuurka qabyo qoraalka.

Nabadoon Max’ed Xasan Xaad, Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye, kana mid ah Odayaashii beelaha Hawiye kaga qeyb galay shirka Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in wixii laga bilaabo maanta loo baahan yahay in shacabka ay ogaadaan inaysan ka mid aheyn Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee shirka u fadhiya Magaalada Muqdisho.

Xaad ayaa arrintaasi ku micneeyay in Madasha shirka uu ka soconayo ay kala kulmeen waxyaabo badan oo liddi ku ah qarannimada Soomaaliyeed iyo Diinta Islaamka, islamarkaana ay u cuntami waysay.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in Odayaasha ay u cadaatay in kaliya laga rabay muuqaalkooda iyo magaca, islamarkaana aan looga baahneyn talo soo jeedin iyo afkaar sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale guddoomiye ku xiggeenka Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Xasan Cilmi Yaxye, ahna ka qeyb galayaashii shirkaasi ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka uusan ka banaaneyn meel laga saxiixo, maadaama sida uu tibaaxay horey ay usoo saxiixeen lixda saxiixayaal ee Road-Map-ka iyo Mahiga.

Dastuurkaani oo marar badan baaqday in lasoo xulo Ergadii ansixin laheyd ayaa hadda waxaa bilaabatay is qab qabsi iyo buuq ku aaddan Dastuurka, maadaama inta badan Odayaasha dhaqanka ay sheegeen in Dastuurka ay ku jiraan qodobo si cad ugu horimaanaya Diinta Islaamka iyo qarannimada Soomaaliyeed.

User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Hawiye Elders Stood for Islam

Postby AbdiWahab252 » Mon Jul 23, 2012 5:36 pm

Odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda B/Hawiye oo ka dareeray shirka duqeyda beelaha Soomaalida uga socda Muqdisho



Qaar ka mid ah odayaasha beelaha Hawiye ee ka qeyb galayey shirka duqeyda Soomaaliyed uga socday magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney guud ahaan ka baxeen shirkaas ka dib markii sida ay xuseen ay ogaadeen in door muuqda aysan ku laheyn odayaasha aayo ka talinta masiirka umada Soomaaliyed iyo talada dalka ee mustaqbalka.

Maxamed Xasan gudoomiyaha golaha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa sheegay in shirkaas ay kala kulmeen waxyaabo aysan fileyn, isla markaana ay uga soo baxeen markii laga diiday in la wax laga bedelo qodobo ku jira dastuurka cusub oo oo lidi ku ah shareecada Islaamka iyo qaranimada dalka.

“Odayaasha waxaa markii horeba laga rabay magac iyo muuqaal ee lagama rabin talo iyo afkaar, maxaa yeelay dastuurka aan la rabin in wax laga bedelo ayaa naloo keenay kaasoo ay ka buuxaan odobo liddi ku ah shareecada Islaamka iyo qaranimada umada Somaliyed sidaas ayaana uga soo baxnay shirka” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.


“Waxaan umada Soomaaliyed gudaha iyo dibada u cadeynayaa inaan ka baxnay, wixii hadda ka yimaadana ku lug laheyn shirkaas maadaama nala yiri talo kuma lihidiin qaranimada iyo ilaalinta shareecada Islaamka" ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo ka mid ah odayaasha shirka ka baxay ayaa isna waxaa uu sheegay in loo keenay dastuur ka kooban 100 baal oo bog kasta ay muuqdaan lixda saxiixe ee Soomaalida ah iyo saxiixa Mahiga kaasoo uu xusay in lagu war geliyey hal xaraf inaan laga bedeli Karin, wuxuuna xusay taasi ay u cuntami weysay ayna isaga baxeen shirkaas markii sida uu tilmaamay ay ku arkeen dastuurka qaladaad badan.

Madaxweynaha Somalia ayaa manta sheegay in odayaasha dhaqanka beelaha Soomaalida iyo ergooyinka ay soo xulaan ee 850 ah aysan awood u laheyn wax ka bedelka dastuurka, loona baahan kaliya iney sidiisa u ansixiyaan, wuxuuna tilmaamay in cida kaliya ee wax ka bedeli karta ay tahay baarlamanka cusub ee soo socda.

User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Hawiye Elders Stood for Islam

Postby AbdiWahab252 » Mon Jul 23, 2012 5:38 pm

Qaar ka mid ah Odayaal dhaqameedyo oo isaga baxay xaruntii shirka Odayaasha Dhaqanka uga socda Magaalada Muqdisho

Mogadishu Isniin 23 July 2012 SMC


Qaar ka mid ah Odayaal dhaqameedyo oo isaga baxay xaruntii shirka Odayaasha Dhaqanka uga socda Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta Xaruntii shirka uga socday Odayaasha dhaqanka isaga baxay qaar ka mid ah odayaal dhaqameedyo ka qayb galayay shirka ka socda Muqdisho ayaa isaga baxay shirkaas, kaddib markii ay sheegeen inaan tallo looga baahnayn.

Odayaasha isaga baxay shirka ayaa sheegay uinaysan iyagu awood u lahayn inay ay wax ka sixi karaan shirka, sidaas darteedna ay go'aansadeen inay isaga baxaan Shirka xaruntii uu ka socday.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa odayaasha shirka ka baxay maanta ayaa sheegay in muddo laba bilood ah uu shirkoodu socday, lana qaadan waayay talooyin ay soo jeediyeen, wuxuuna sheegay inay shirka ka baxeen.

Maxamed Xasan Xaad ayaa in sababaha uu shirka uga baxay ay tahay in dastuurka ay ku arkeen khaladaad aysan sixi karin iyaga, "Waxaa nala yiri idinka wax ma sixin kartiin, taasi waxay keentay inaan sameyno guddi 15 xubnood ka kooban, kuwaasoo soo diyaariyay qodobbada khaladaadka ah ee ku jira dastuurka oo aan lagu aamini karin aayaha ummadda Soomaaliyeed, markii aan niri dastuurka waa in la saxaana waa nalaga diiday" ayuu yiri nabadoonka oo sheegay inuu markaasi go'aansaday inuu shirka isaga baxo.

Nabaddoonku wuxuu sheegay in odayaasha laga doonayay oo keliya in laga qaato sawiradooda, balse aan laga doonayn wax tallo iyo tusaale ah, taasina ay keentay inay shirka isaga soo baxaan.

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka Muqdisho Maxamed Xasan Xaad oo ah ayaa sheegay in shirka ay ka baxeen odayaashii isaga taabacsanaa oo dhan, balse ma sheegin inay shirka ku laabanayaan haddii khaladaadka ay tabanayaan la ansixiyo iyo in kale.

Dhanka kale odayaasha dhaqanka ee shirka ka baxay waxaa ka mid ah Xasan Cilmi Yaxye oo isaguna ka mid ahaa odayaashii shirka ka baxay maanta ayaa sheegay in sababta ay uga baxeen ay tahay iyagoo arkay in dastuurka loo soo gudbiyay aan loogu talogelin in wax laga saxo.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Hawiye Elders Stood for Islam

Postby AhlulbaytSoldier » Mon Jul 23, 2012 5:50 pm

AW, this is good.
We dont need dastuur made by Tanzanian buffalo and agent(abdiweli) of faroole :down:

User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Hawiye Elders Stood for Islam

Postby AbdiWahab252 » Mon Jul 23, 2012 5:53 pm

Hutuking01,

What about the other 3.5 elders ?

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Hawiye Elders Stood for Islam

Postby AhlulbaytSoldier » Mon Jul 23, 2012 5:55 pm

I will blame it on ignorance and love for dunya($$$) , not their clans.

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32010
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Hawiye Elders Stood for Islam

Postby Khalid Ali » Mon Jul 23, 2012 6:04 pm

This why I like hawiye the dont give a shit

SOM1960
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 335
Joined: Fri Feb 24, 2012 7:20 am
Location: President Sheikh Sharif 2012

Re: Hawiye Elders Stood for Islam

Postby SOM1960 » Mon Jul 23, 2012 6:42 pm

"Qaar ka mid ah Odayasha Hawiye" in other words Only the fake elders left (Xaad and his group) :lol: :lol:

SOM1960
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 335
Joined: Fri Feb 24, 2012 7:20 am
Location: President Sheikh Sharif 2012

Re: Hawiye Elders Stood for Islam

Postby SOM1960 » Mon Jul 23, 2012 6:49 pm

Xaad said they can not change the Constitution, but all the other elders sent a request to change some of the articles. Are they not gonna let them change?? If not what is the point of the elders in the whole process. :|

User avatar
waryaa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5885
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm

Re: Hawiye Elders Stood for Islam

Postby waryaa » Tue Jul 24, 2012 12:11 am

awahab what made me :lol: is all of the pieces you posted say "QAAR" which means some. So you have QAAR of 20% of the delegates. Isn't that very slim minority?

Mahiga, de facto ruler said we won't stop nor slowdown for anyone who tries to delay the process.

User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Hawiye Elders Stood for Islam

Postby AbdiWahab252 » Tue Jul 24, 2012 12:58 am

Waryaa,

The fact remains the only elders who stood up were Hawiye. From not missing Salat to standing up for Islam, Hawiye are fast becoming the defenders of the faith.

As for the Drunken Tanzanian, the Usurper and Prozac addict, they will not succeed.

SOM1960,

Why did none of the other qabiil elders stand up ?

gobdoon
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6000
Joined: Sun May 27, 2001 7:00 pm
Location: LONDON,U,K
Contact:

Re: Hawiye Elders Stood for Islam

Postby gobdoon » Tue Jul 24, 2012 2:46 am

Get another donkeys from the streets, :lol:

User avatar
InvisibleHand
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1088
Joined: Sat Jun 30, 2012 5:01 am
Location: ilaahay baa og

Re: Hawiye Elders Stood for Islam

Postby InvisibleHand » Tue Jul 24, 2012 2:47 am

From not missing Salat to standing up for Islam, Hawiye are fast becoming the defenders of the faith.
:lol:

Advo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 27096
Joined: Sat Mar 01, 2008 4:11 am
Location: ever green state

Re: Hawiye Elders Stood for Islam

Postby Advo » Tue Jul 24, 2012 5:56 am

If this is true, I don't know what happen to beesha Hawiye of Somalinet (besides brotha alchamist and abakar), the rest seem very liberal to extreme liberal.

User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Hawiye Elders Stood for Islam

Postby AbdiWahab252 » Tue Jul 24, 2012 11:18 am

If this is true, I don't know what happen to beesha Hawiye of Somalinet (besides brotha alchamist and abakar), the rest seem very liberal to extreme liberal.
Its true, bro. The Hawiye elders stood up and protested while the others sat there.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 7 guests