http://www.bbc.co.uk/somali/maqal_iyo_m ... riif.shtml
Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in aan cidna waa hogaamiye kooxeed looga reebi karin inay galaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Isaga oo ka hadlayay shir jaraa'id oo ay isaga iyo Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay, Augustine Mahiga ay ku qabteen magaalada Muqdisho, ayaa Madaxweynuhu waxa uu sheegay in heshiiskii lagu gaaray Nairobi 2004, ay hoggaamiyayaashii dagaalka go'aan ku qaateen inay ka qeybgalaan hannaanka socda, oo ay noqdeen guddoomiye baarlamaan, xildhibaanno iyo wasiirro.
Shiikh Shariif waxa uu sheegay in aan maanta lagu dhihi karin, ballantiini ma aadan oofin oo waad ku laabateen dagaalkii.
Waxaa isna shirka jaraa'id ka hadlay Danjire Mahiga oo sheegay in si hore loogu socdo in aanay sax ahayn in shaqsiyaad aan la bartilmaameedsan.