Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Shariif Sakiin oo ku kacay qiyaano qaran

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Shariif Sakiin oo ku kacay qiyaano qaran

Postby AhlulbaytSoldier » Thu Aug 30, 2012 5:47 am

Shariif Xasan Shiikh Aden oo Nairobi u jooga sidii uu ugu fasixi lahaa Kenya qodida shidaalka xeebaha Soomaliya
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaliyeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ka dhoofay shalay magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Kenya.

Shariif Xasan ayaa la sheegay in magaalada Muqdisho ay iska raaceen taliye ku xigeenka nabadsugida dalka Kenya oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Waxana uu Shariif Xasan Shiikh Adan uu degey Hotelka Grand Regency ee magaalada Nairobi ayaa waxaa uu wadahadalo la lahaa mas’uuliyiinta dalka Kenya iyagoo ka wadahadlayay sidii uu Shariifka ugu fasixi lahaa dowlada Kenya inay ka bilowdo shidaal qodis xeebaha Soomaaliyeed.

Waxana uu Shariif Xasan doonayaa sida ay wararku sheegayaan in uu u saxiixo dowlada Kenya fasax ah qoditaanka ceelasha saliida inta uusan wareejin xilka guddoomiyanimada Baarlamaanka oo dhowaan xildhibaanada baarlamaanka cusub ay u doorteen in uu noqdo guddoomiye Proff Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Waxaana dhowaan ururka East African Forum oo ah haya’ad Soomaali ah, isuna xilsaartay in ay difaacaan kheyraadka iyo petrolka badda Soomaaliya ku jira ay digniin culus u dirtay dowladda Kenya iyo afar shirkadood oo caalami ah petrolkana qoda, iyaga oo ku tilmaamay in ay sharci darro tahay in dowladda Kenya iyo shirkadahaas isu bahaystaan in ay boobaan kheyraadka badda Soomaaliya ku jira qaasatan dhulbadeedka soomaaliya ee ku dhow xadka Kenya.

Lama oga sababta keenay in Shariif Xasan uu ku dhaqaaqo arrimahan iyadoo dhowaan uu ku guuldareystey in uu ka soo dhex muuqda siyaasadda dalka Soomaaliya maadaama guddoomiyaha baarlamanka uu noqday nin ay isku beel ka soo jeedaan taasina ay meesha ka saartay fursadii uu u heli lahaa in uu u tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Shariif Xasan Shiikh Aden oo siyaasada Soomaaliya ka soo dhex muuqday shirkii ka dhacay dalka Kenya oo loogu doortay guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa dadka ay u bixiyeen naaneyso tilmaamaya dhaqankiisa.

Waxaa la wada xusuusan yahay in Shariifka oo mar soo noqday wasiirka maaliyada xukuumada uu R/wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke isla markaana uu ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nor (Shiikh Adan Madoobe) sidii uu ula wareegay xilka guddoomiyanimada baarlamaanka Soomaaliyeed.

The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Re: Shariif Sakiin oo ku kacay qiyaano qaran

Postby The`Republic » Thu Aug 30, 2012 6:33 am

Caqli xumaa. Any reer baadiye goes online and writes whatever. Is Kenya a stupid baby? Maybe Kenyan is a lone laa yiqra, laa yaktub geeljire somewhere in the bush?

And Sharif Hassan ceased to be Speaker the day the Parliament was inaugurated. On that day the Interim Speaker became Gen Muuse Hassan who in turn turned it over to Prof Jawaari.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 17 guests