Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Dawlada Kenya Ka Dalbaday In La Hakiyo Qorshaha Maamul u Sameynta Jubbooyinka (Xog)
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dawlada Kenya u gudbiyey warqad rasmi ah oo uu kaga dalbaday in la hakiyo qorshe la sheegay inay Kenya gadaal ka riixeyso, sida uu Raxanreeb u dheegay sarkaal ka hawlgala madaxtooyada.
Warqadan uu diray madaxweyne Xasan ayaa sida sarkaalkan uu noo xaqiijiyey, wuxuu madaxweynuhu si cad u dalbaday in Kenya aysan faraha la gelin arimo ku saabsan maamul dhisid isla markaana kaliya lagu ekaado ka saarista ururka Al-Shabaab.
“Madaxweynuhu wuxuu cadeeyay in wixii hawl maamul dhisid ah ay u taalo dawlada Soomaaliya” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan madaxtooyada Villa Soomaaliya oo la hadlay Raxanreeb.
Warqadan uu diray madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo baxday kadib markii dawladu ogaatay in magaalada Nairobi laga qabanqaabinayo shir maamul loogu sameynayo deegaanada Jubbooyinka oo sida hadda la filayo guud ahaan gacanta dawlada iyo AMISOM soo galaya.
Sida sarkaalkan uu sheegay, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu cabiray in dawlada ay rabto inay la tashato dadka deegaanka iyo dhamaan qabiilooyinka sidaasi darteedna dawlada ay ka walaacsan tahay in qalaanqal uu ka dhasho arimaha maamul u sameynta Jubbooyinka.
Doorka Kenya
In madaxweynuhu diro warqadan waxaa gacan weyn ku lahaa ninka aadka ugu dhow madaxweynaha ee la rumeysan yahay inuu yahay shakhsiga go’aanada madaxtooyada ay ka soo fulaan ee Faarax Sheekh C/qaadir oo laftiisa ah nin heysta baasaboorka wadanka Kenya.
Faarax C/qaadir ayaa dhanka kale aad uga gaabsaday in madaxweynuhu soo hadalqaado qorshaha Kenya ee shidaal baarista gobolada Jubbooyinka iyo askarta Kenya ee dadka rayidka ku laayeen deegaanka Janaay Cabdalla toddobaadkii hore arintaasoo si weyn loo cambaareeyay.
Farriinta madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida muuqata ka horeysay duulaanka ciidamada Kenya iyo dawlada ee wada jira ay ku gaareen hareeraha magaalada Kismaayo ee shalay oo Jimce ahayd bilawday. Waxaana warqada ay ku soo beegantay xilli uu si weyn u soo ifbaxayo walaaca laga qabo in xifaaltan dhanka beelaha ah uu ka abuurmo qabsashada magaalada Kismaayo [AKHRI WARBIXIN] oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ah magaalo deked leh kana mid ah magaalooyinka muhimka ee koonfurta Soomaaliya halkaasoo haatan ay isaga bexeen ururka Al-Shabaab.
Dhanka kale xildhibaano iyo odayaal ka mid ah kuwa ka soo jeeda beelaha dega Jubbooyinka qaarkood oo warbaahinta ka hadlay maalmihii u dambeeyaya ayaa ka digay in Kenya ay ku lug yeelato khilaafaad ku saleysan hab beeleed oo kaaloosma gobolada Jubbooyinka arintaasoo dawlada Kenya ay horey uga hadashay.