Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynaha Kenya
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Kampala ee dalka Kenya dhigiisa Kenya Mwai Kibaki, iyagoo ka wada qeyb sanadguuradii 50aad ee ka soo wareegatay markii Uganda ay qaadatay Xornimada.
Kulanka labada Madaxweyne oo ahaa mid uu albaabada u xirnaa ayaa waxaa ku wehliyay Saraakiisha sar sare ee dhinaca Ciidamada, iyadoo intii uu socday kulanka looga hadlay howl galada ay Ciidamada Kenya ka wadaan Koofurta Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Kenya doorka Ciidamadiisa ka qaateen howl galada ka socda Jubooyinka iyo la wareegidii magaalada Kismaayo.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada xaajooday sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, siyaasada, ammaanka iyo qaabkii Ciidamada Kenya uga qeyb qaadan lahaayeen taageerida ciidamada dowladda.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu hadal ka jeediyo Munaasabada sanadguurada 50aad ee ka soo wareegatay Xornimada Uganda, iyadoo Madaxweynuhu diirada ku saari doono arrimaha siyaasada, ammaanka iyo is bedelka cusub ee ay gashay Soomaaliya.
Booqashada Madaxweynaha ku joogo magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa ah tii u horeysay ee uu Madaxweynaha ku tago, tan iyo markii loo doortay xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
With the end of Alshabaab and fun politics, it seems the next 4 years will be dominated by the most boring government since 1960.
May Allah help us.