Wararka ka imaanaya deegaanka Kabxanleey ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto xiisad colaadeed oo udhaxeysa dadka deegaanka oo ku dagaalamay dhul beereed.
Duqa Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan Maxamed Xasan Nuuriye ayaa sheegay inay jirto xiisadaasi iminkana ay wadaan sidii ay ku xalin lahaayeen dhibaatadaasi kasoo cusboonatay deegaanka Kabxanleey.
Xalinta xiisadahaasi colaadeed ee ka jirta deegaanka Kabxanleey ayaa sidii loo damin lahaa waxaa ku howlan ciidanka AMISOM iyo sidoo kale maamulka Gobalka Hiiraan.
Deegaanka Kabxanleey ayaa kaabiga ku haya xuduuda Soomaaliya iyo Ethiopia waxaana halkaasi daga dad reer guuraa ah oo inta badan ku dagaalama dhul daaqsimeed iyo ceelal biyood iyadoo xiisada iminka taagan ay ka dhalatay dhul daaqsimeed.
Guulleed Cabdi
Boosaaso/Somaliya
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com