http://allidamaale.com/article.php?id=2926Dadweynaha PL oo ka horyimd shirka ka furmaya Turkiga
Dadweynaha deeganada Puntland Aragtiyo ka dhiibtay shirka Turkiga ee Soomaalida ee inta badan umada Soomaaliiyeed ay ka bixinayaan aragtiyo kala duwan iyo
fikiro isdhaafsan laga, taas muram weyn u ka dhalisay maamulada ka jira Soomaaliya.
Shirka Soomaalida loo qabanayo ee wajigiisa labaad lagu qaban doono maalinta Isniintaa ee soo aaddan Qaar kamida Aqooyahanada soomaaliyeed oo aragtiyo
kala dwan ka dhiibtay bilaabashada wajiga labaad ee wadahadlada dawladda Federaalka ee soomaaliya iyo maamulka Soomaliland oo ka furmaya dalka Turkiga.
Iyadoo Maalinta sabtida ah ee taariikhdu ku beegantahay 13 bisha afaaraad, waxaa la qorshaynayaa in irdaha loo furo wajigii labaad ee wadahadalada soomaaliland
iyo dawalda federalka soomaaliya, waxaana shalay magalada ankara gaaray wufuud kakala socday Labada dhinac.
Waxaana Soo baxaya argtiyo kala duwan iyo muran weyn ka dhex qarxay Dadka siyaasiiinta ah iyo aqooyahanada soomaaliyeed bilabashada wajiga labaad ee
wadahalada somaaliland iyo somaaliya, Prof. C/salaan yuusuf aadan (Dhoola yare) oo ka mid aqoonyahanada siyaasadda ka faalooda kuna sugan Puntland
ayaa sheegay in rajo wanaagsan laga qabo shirkaasi miro dhalna uu noqon doono, balse wuxuu timaamay hadii dadkeeda iyo saaxibul wanaag wal caqli ay
hogaamin waayaan aysan waxba kasoo baxeyn.
Shirkaasi ayaa la filayaa in lagu jeexjeexo arimo kala duwan, kuwaas oo umada Soomaaliyeed qaarkeed ay u arkaan inuu soo kordhin doono dhibaato iyo muran horleh.
Garoowe