Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadha magaalada Kismaay ayaa kusoo waramaya in Gudiga Odayaasha Beesha Absame ee isu xilsaaray inay kala saaraan musharaxiinta kasoo jeeda Beesha ee utartamaysa xilka madaxweynaha Jubbaland.Odayaashan oo maalmihii udambeeyey kulamo wadatashi lahaa ayaa lagu soo waramayaa in goa’aan ay gaadheen berina ay isugu yeedhi doonaan musharaxiinta Beesha ee utartamaysa xilka ugu sareeya maamul goboleedka Jubbaland iyagoo ku dhawaaqi doona musharax ay ugarteen inuu utartamo hogaanka Jubbaland.
Odayaashan ayy hadafkoodu yahay inay meesha ka saaraan is barbar yaac hada jira islamar ahaantaan ay soo sharaxaan hal musharax kaas oo beesha matali doona.
Si kastaba ha ahaatee maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in odayaashu ay ku dhawaaqaan musharaxa Beesha ee hogaanka Jubbaland.
Lama oga in musharaxiintu ay ku qanci doonaan go’aanka odayaasha iyo inkale.
Dhanaan.com