DHAGEYSO COD: Madaxweyne Xasan Culusoow oo Taageeray Maamul-Goboleed 6 Gobol ah ee laga wada Baydhabo
Odayaasha dhaqanka bay iyo bakool ayaa sheegay inay ku jiraan qabanqaabada shir la rabo in lagu dhiso Maamul goboleed loogu magac daray Koonfur-Galbeed Soomaaliya.
AFhayeenka odayaasha Dhaqanka ee bay iyo bakool Malaaq Yacquub Deerow ayaa caddeeyey inay arrinkan kuwada socdaan Madaxweyne Culusoow iyo Guddoomiye Jawaari warqadna ay ka wataan labadoodaba ogolaansho ka haystaan maamulka 6 Gobol ee Koonfur Galbeed.
Wuxuu Malaaqa sheegay in Garbaharrey aan suurubi karin in laga xukumo magaalada Kismaayo, isagoo uu Malaaqu ku sababeeyay in Garbaharrey ay u dhow dahay Baydhabo oo ay haboon tahay in Baydhabo laga xukumo.
Malaaq Deeroow ayaa sheegay iminka inay soconayso qaban qaabada Shirka wuxuna xusay wajiga koowaad ee shirkaasi inuu bilaaban dono 20 Bishan April ee aynu ku jirno.
Arrintaan ayaa imaanayso iyadoo la wado in dhowaan la yagleelo maamulka Jubbaland State ee sida aadka uu uga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Gurguurte iyo Xukuumaddisa .
http://puntlandi.com/dhageyso-cod-madax ... -baydhabo/