XUKUUMADDA OO QORSHEYNEYSA DHISIDA WADOOYINKA UGU MUHIIMSAN EE DALKA
Wasiirka wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Muxiyidiin Maxamed Kaalmoy oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka warbixiyay mashaariic loogu tala galay in lagu dhiso wadooyinka qaar ee dalka kaasi oo imika qorshihiisa lasoo gabagabeeyay.
Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in qorshahaasi uu yahay sidii loo dhisi lahaa wadada isku xirta Muqdisho iyo Galkacyo iyo qaar kamid ah wadooyinka ugu muhiimsan ee dalka, waxa uuna sheegay in mashruuca maalgelintiisa uu bixinayo Urur goboleedka IGAD dowlada Soomaaliyana ay maamuleyso.
Wasiirka ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in dowlada Imaaraadka Carabta ay imika dhisme ku wado xaruntii hore ee wasaarada howlaha guud, isagoona xusay in halkaasi laga higelanayo Isbitaal guud oo wax ka qabta baahida caafimaad ee dalka ka jirta.
Wasaarada howlaha guud ee Xukuumadda ayaa mudooyinkii dambe ku howlaneyd dib u dhiska dalka oo howlaha loo igmaday kamid ah.
http://www.risaala.net/view.php?id=14127
Congratulations to HG,Mudulood, Baadicade, Shiidle, Xawaadle, Gaaljecel and Makane.
I hope a chinese company will win this highway construction contract.