Col Cabaas explains why Kenyan Soldier(s) took him hostage

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Col Cabaas explains why Kenyan Soldier(s) took him hostage

Post by zingii »

The honorable Col stood for Somalinimo. :Obama:

Dhagayso Cabdikhayr Sheekh Soofe “Maxkamada Gobolka Banaadir waxaay magta qofka Somaliga ah ka dhigtay 75$” Xog “Golaha Wasiirada Somalia oo la kordhinayo iyo Wasaarado la kala qaadayo” Taliska Boliska Kismaayo oo ka warbixiyay Ciidamada ay Amisom tababarayso . Daawo Axmed Madoobe oo ka warbixiyay Kulan uu la qatay Madaxweyne Xasan Sheikh iyo……….. DAAWO: Fanaanka da’dayar ee Abdi Dajiye oo soo saaray heestiisii GEDO ee daawasho wacan. News In English


K24 Youtube


Tweets by @Kismaayo24News WAXAAD MAANTA BI'ISAAN BERI HA U SHALAAYINA
Wararki hore
Somali News
Wararka Kale
Dhageyso: Col, Cabaas oo isaga oo dhoobleey ku xiran la hadlay Kismaayo24.com. Wareysi xasaasi ah.
June 28, 2013 - Written by admin - Edited byadmin

Col, Cabaas oo ka mid ah saraakiisha dowlada Soomaaliya ee Jubooyinka ayaa maanta waxaa laga ka xeystay Kismaayo, kadib markii ay ciidanka Kenya si kedis ah u maxbuuseen kadibna ay ula tageen.



Col, Cabaas oo la hadlayey Warbaahinta Kismaayo24.com inuu yahay maxbuus ku xiran magaalada Dhoobleey xero ciidan. Waxaana uu sheegay inay arrintaasi uu ka danbeeyey sarkaal kale oo uu sheegay inuu madax ka yahay ciidanka Kenya ee AMISOM.



Waxaa si sharafdaro ah la iiga soo qaaday garoonka diyaaradaha ee Kismaayo. Waxaana shir qoolkaasi ka danbeeya ninka ah taliyaha qeybta labaad ee ciidanka Kenya ee AMISOM ka tirsan. Waxaana uu si xoog iyo qoryo ah oo aanan fileyn ayuu igu soo saaray diyaarad halkaasi joogtay” ayuu yiri Col, Cabaas oo dhawaan loo soo magacaabay taliyaha ciidanka Jubooyinka ee Dowlada Soomaaliya.

Col, Cabaas ayaa waxaa uu sheegay inuu sarkaalkan isku fahmi waayey qaabka musuqmaasuq ah oo uu lacagta dekeda kismaayo iyo Garoonka u qaato, isagoona sheegay markii uu ku yiri madaxda kaa sareysa ama dowlada Kenya aanu uwada tagno uu la tiigsaday maxbuusnimo.

“Sarkaalkan isoo xiray waxaa uu qaataa 45% dhaqaalaha dekada iyo garoonka Kismaayo, Waxaana uu sidoo kale dhoofiyaa dhuxusha taasi oo keentay in aan isku fahmi weynay. Waxaana u sheegay in dhaqaalaha uu qaadanayo inay u baahan yihiin ciidanka Soomaaliyeed ” ayuu yiri Col, Cabaas.

Mar uu ka hadlayey in wax jiir dil ah loo geystay Cabaas ayuu sheegay in aan waxba loo yareysan balse aysan wali xabad ku dhicin. Waxaana uu sheegay in foolxumada loo geystay ay jawaab cad ka bixin doonaan taageerayaashiisa iyo ciidanka kismaayo ka jooga.

” Sida la iila dhaqmay waxaan ka jawaabi doona dhamaan qabiilada degan Jubooyinka iyo Gedo. Waxaana sidoo kale ka dhiidhin doonaa ciidanka dowlada oo dalkooda difaaci doona” ayuu yiri Col, Cabaas.


Dhinaca kale waxaa uu Col, Cabaas uu wareysiga uu siiyey Kismaayo24.com isaga oo maxbuus ah ku sheegay inuu dowlada iyo shacabka ugu baaqayo dagaal dib loogu soo celinayo magaalada Kismaayo oo uu sheegay inay gumeysi gacanta ugu jirto iyo koox la rabo in dadka deegaankaasi loo gumeeyo. Waa sida uu hadalka u dhigay Col, Cabaas.

Xariga Col, Cabaas ayaa waxaa ka dhashay dagaal ilaa hadda ka socda magaalada Kismaayo waxaana sida muuqata magaalada Kismaayo wajahday marxalad adeg oo waji qabiil leh.

Ciidanka Kenya ayaa dhankooda waxay la soo baxeyn wajiga rasmiga ah oo u qarsanaa kaasi oo ah inay dhinac la safan yihiin,kadib markii saraakiishii qaranka mid ka mid ah maanta sharci daro ugu xireen xero ciidan oo ay ku leeyihiin Dhoobleey.

Dowlada Soomaaliya ayaa ilaa hadda ka hadlin sarkaalka laga xirtay oo u xiran ciidanka dowlada Kenya iyo maamulka Axmed Madoobe.

Gen, Fartaag ayaa mar wax laga weydiiyey dagaalkan waxa uu sheegay inuusan hadda ka hadli karin islamarkaana uusan waxba kala socon xariga Col, Cabaas. Isagoona Fartaag shalay shir waqti badan qaatay la yeeshay saraakiisha Kenya iyo Col, Cabaas kaasi oo is afgarad la’aan kusoo dhamaaday.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA UU COL, CABAAS KISMAAYO24.COM SIIYEY.


Kismaayo 24 News Agency Kala Xariir Email ka ah Kismaayo24@yahoo.com
Halkan ka dhiibo Aragtidaada adigo Anshaxa K24 ilaalinaya
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Col Cabaas explains why Kenyan Soldier(s) took him hosta

Post by zingii »

Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”