Sheekh Axmed Maxamed oo hadda ku sugan magaalada Kismaayo ayaa ku soo fool leh isaga iyo wafdi uu hogaaminayo magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwani ay ka soo baxayaan imaatinkiisa magalada Muqdisho kuwaas oo ay qaar ka mid ahi sheegayaan inuu u imaanayo Muqdisho si uu wadahadlo ula yeesho madaxda dowladda Soomaaliya oo horey wadahadalo hoose ugula yeeshay dalalka Itoobiya iyo Kenya
Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Sheekh Axmed Madoobe uu u imaanayo Muqdisho si uu ula kulmo wakiilka UNSOM Nichols Key si uu ugala hadlo arrimaha Kismaayo oo ay isku marilayihiin isag iyo dowladda Soomaaliya gaar ahaan xukuumadda Soomaaliya oo dooneysa in si xal loogu helo gobolkaasi dhammaan dhinacyada ay khuseyso ama beelaha wadadega shir dib u heshiisiin ah loogu qabto ka dibna maamul KMG ah loogu dhiso goboladaasi, kaas oo marka waqtigiisu dhamaado laga dhiso goboladaasi maamul goboleed kulmiya saddexdaasi gobol kaas oo hab doorasho ah ku yimaada habkaasi oo isna dhiniciisu uu diidan yahay .
Dhinaca kale ay jiraan in qaar ka mid ah madaxda dowladda Soomaaliya ay doonayaan in Axmed Madoobe muddo sanad ah isaga loo dhiibo maamulka J/hoose ka dibna la qabto doorasho loogu tartamayo ciddii xilka maamulgoboleedka dhismayo qabanlaheyd, taas oo ay iyana diidan yihiin sida lasheegay xubnaha xukumaadda soomaaliyaintooda badan iyo waliba dhinacyda uu muranka siyaasadeed kala dhexeeyo axmed madoobe kuwaas oo looga awood roonaaday dagaalkii kismaayo ka dhacay kaas oo ay iyaguna ku eedeeyeen ciidamada Kenya oo ku garabsiiyey ciidamada Axmed madoobe dagaalka.