Postby DarthSomali » Fri Nov 08, 2013 9:57 am
Dagaalada Bariga Jowhar ka socda oo maalintii saddexaad galay iyo tuulooyin hor leh oo la gubay
Dagaaaladii ka socday deegaano ka xiga magaalada Jowhar dhinaca Waqooyi Bari ayaa maanta galay maalintii saddexaad iyadoo dagaalkuna uu ku sii fiday deegaano hor leh.
Dagaalka ayaa waxa uu maanta ka dhacay deegaanka Sabuun oo ay ku taal buundo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Iska horimaad ka dhacay deegaanka Sabuun ayaa sababay in ay ka dhashaan qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.Illaa iyo hadda lama oga tirada saxda ah ee waxyeelada ka soo gaartay iska horimaadkan hase ahaatee waxaa
Wararka ka imanaya deegaanada ay dagaaladu ka socdaan ayaa sheegaya in la gubay tuulada Sabuun iyo Labo Waab oo ah deegaano ku yaal daanta Bari ee wabiga Shabelle.
Dagaalada ka dhex socda beelaha Walamoy iyo Maxamed Muuse ayaa waxa ay sababeen in boqolaal qoys ay ka barakaceen deegaano badan oo ku yaal hareeraha wabiga Shabelle.
Dadkan barakacay ayaa waxa ay soo galeen magaalada Jowhar iyo degmada Mahaday iyadoo sidoo kale boqolaal qoys ay miciin bideen deegaano ku yaal daanta galbeed ee magaalada Jowhar.
Dadaalo lagu doonayay in lagu joojiyo dagaalka ka dhex qarxay beelaha Maxamed Muuse iyo Walamoy ayaa maanta suurtogal noqon waayay iyadoo roobab xoog leh ay ka da’een deegaanada uu iska horimaadku ka dhacayay.