Shiikh Fu’aad Shongole iyo ciidamo uu wato oo gaaray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug
Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo wata ciidamo aad u fara badan ayaa gaaray degaanka Xarardheere ee gobolka Mudug saacadihii ugu dambeeyey sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in saraakiisha gaartay degmada xeebta ku taala ee Xarardheere uu ka mid yahay Shiikh Fu’aad Maxamed Shongole iyo ciidamo uu wato oo ka yimid degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.
Sidoo kale, degaanka Xarardheere waxaa gaaray saraakiil fara badan oo ka tirsan Al-shabaab kuwasoo ka kala yimid degaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Somalia.
Sababaha saraakiisha iyo ciidamada Al-Shabaab ay ugu qulqulayaan degmada Xarardheere ayaa lagu sheegay ka dib markii uu culeys ka soo wajahay ciidamada Itoobiya ee AMISOM ku biiray oo dhowaanahan ku soo qulqulayey gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay iney isku diyaarinayaan iney guluf dagaal ku qaadaan degaanada Al-shabaab ay ka joogaan gobolada dhexe ee dalka.
Degmooyinka Buulo Burde, Ceelbuur, Ceeldheer iyo qaar kale oo ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaasoo ay ka taliyaan Al-Shabaab ayaa waxaa la soo sheegayaa iney ka taagan tahay cabsi laga qabo iney soo weeraraan ciidamada Itoobiya.
Dowlada Somallia iyo ciidamada AMISOM ayaa sheegay in labada bilood ee soo socota ay koonturta Somalia ka sameyn doonaan howlgalo looga sifeynayo xoogaga Al-Shabaab.
Fuad Dooro Shongole runs away from "Jihad", runs away from 72 virgins
People understand now why Dooros are known for their cowardice.