Moderator: Moderators
Garoowe oo laga qaxay markii ay arkeen Iftiinka ciidanka Somaliland oo ku dhawaaday iyo weftiga oo dib usoo noqday
Laascaanood(Waaheen) Weftiga Somaliland ee gaadhay Taleex ayaa caawa u kolonyaystay dhinaca Garoowe kadib markii ay jidka ka lumen, waxaanay ka soo noqdeen Duleedka magaaladda Garoowe, halkaas oo Iftiinka baabuurta laga qaxay.
Weftiga ayaa goor fiid ah ka soo baxay magaaladda Taleex si ay ugu soo hoydaan magaaladda Laascaanood, hase yeeshee waxay mareen wado qaldan oo toos u galaysa Garoowe, taasoo ay ka war heleen marka ay marayaan meel magaaladda u dhaw.
Mid ka mid ah saraakiisha weftiga ayaa Farriinnews.com u xaqiijiyey inuu weftigu lumay balse markii danbe ay jidka dib usoo qabsadeen kuna soo dhaw yihiin magaaladda Laascaanood.
Telefoonada weftiga ayaa lagu war helay iyaga oo xadka ka baxay ama qaarkood ay ka jawaabayaan shaqaalaha shirkaddaha Puntland, sidaa waxa mar kale Farrinnews.com u sheegay qof shicib ah oo Hargeysa kala xidhiidhay.
Weftiga oo ka soo baxay Taleex ayaa mudadii la filayey in uu ku soo gaadho Laascaanood la waayey, waxaana mar qudha la isweydiiyey waxa ku dhacay, hase yeeshee waxa markiiba la ogaaday in dhibi jirto, taasoo noqotay markii danbe Lumitaanka ay jidka ka lumeen.
http://waaheen.com/?p=30171
Garoowe oo laga qaxay markii ay arkeen Iftiinka ciidanka Somaliland oo ku dhawaaday iyo weftiga oo dib usoo noqday
on their way back from Taleex they got lost and ended up in garowe, and the people of garowe started panicking
And that is without a move made by puntland, just political pressure from khaatumo...
Somaliland Oo ka soo guratay askarteeda Taleex -Muuqaal
Published on June 26, 2014 by admin · No Comments
Warar naga soo kala gaadhay Hargeysa iyo Taleex isla markaana ay noo xaqiijiyeen il-xog ogaal ahi waxay cadeyeen in Maamulka Somaliland malayshiyadiisii kala baxay deegaaka Taleex ka dib markii kacdoono badani lagala hor yimi isla markaanabulshada Caalamku culays ku saareen in ciidankaasi dib uga baxo deegaanka Taleex iyo guud ahaan Sool iyo Sanaag.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
siilaanyo askar
Waxayna ilahana noo xaqiijiyeen in ninka u qaabilsan arrimaha dibada oo xilligan ku sugan Niarobi isla markaana bulshada caalamka halkaasi kula kulansanaa uu farriin deg deg ah soo gaadhsiiyey Hargeysa taas oo nuxur keedu ahaa in ciidanka deg deg looga saaro deegaanada Taleex hoos yimaada.
Dhinaca kale waxaa laga cadeeyey in raashinkii ay sheegeen in ay maamulka Somaliland geeyeen magaalada Taleex dib loo lacagaystay isla markaana ganacsato laga iibiyey iyada oo kaashna lacagtii dib loo qaatay , ka dib markii laysku sawiray.
Malayshiyada Somaliland ka saartay magaalada Taleex waxay ku timi dadaalada ay dhinacyo kala duwani ka galeen sidii loo canbaaaryn lahaa dhibaatad ay ka wadaan maamulka Somaliland deegaanada Sool iyo Sanaag, waxaana wadamada Ingiriiska, Maraykan, Iyo midowga yurub ka soo sareen go’aan cad oo ah in malayshiyada Somaliland ka baxdo deegaanka Taleex.
Waxayna arrintaasi ku timi doodii ay gudbiyeen madaxda maamulka Khaatumo oo ay ku tilmaameen dhibaatooyinka ay ka wadaan maamulka Somaliland deegaanka, waxa kale oo iyaguna ka hadlay arrinta odayaasha deegaanka oo sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in malayshiyada Somaliland sii joogto deegaankooda, sida uu sheegay Caaqilka Guud ee deegaanka Taleex caaqil Ismaaciil Cali Koore, ka dib markii uu diiday in uu la kulmo xubno ku soo hungoobay safar ay ku atageen deegaanka Taleex oo uu hogaaminayey Xirsi Tooriley iyo Warancade.
Wartabis.com
Tabiyaha xaqiiqda
our dhulbahante brothers
Return to “Politics - General Discussions”
Users browsing this forum: No registered users and 57 guests