Postby TheblueNwhite » Sun Nov 02, 2014 5:13 am
It is Dharkenley District not Wadajir where the 2 women were gunned down.
Kooxo hubeysan ayaa saakay waabarigii labo gabdhood oo Arday ahaa ku dilay nawaaxiga halka loo yaqaano Mac-macaanka ee degmada Dharkeenley, xilli ay ku sii jeedeen Iskuul.
Sida ay sheegayaan wararka labo dhalinyaro oo mooto saarnaa ayaa gabdhahan madaxa ka toogtay, kuwaasoo durbadiiba ku baxsaday mootadii ay wateen.
Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa ku guuldareystay inay gacanta ku dhigaan kooxihii dilka ka dambeeyay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah gabdhaha la dilay ay ilmo adeer la aheyd Gudoomiyaha degmada Dharkeenley, halka gabdha kalena ay qaraabo ahaayeen.
Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay dilkaas, hase ahaatee waxaa uu qeyb ka noqonayaa dilal maalmahan ka dhacayay magaalada Muqdisho.
Shalay ayay aheyd markii ciidamada Nabadsugida ay toogteen labo nin ku hubeysnaa bastoolado, kuwaasoo gudaha Suuqa Bakaaraha ku dilay askari ka tirsan Booliska.
Jowhar.com