Maalintii shalay ilaa saaka waxaa magaalada ceelwaaq soo galay 8 baabuur oo nooca xamuulka ah oo ay leeyihiin ganacsato reer ceelwaaq ah , waxaana magaalada laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ganacsi oo xoog leh. taasoo u muuqata mid uu ganacsigeedu si weyn isu soo beddelaayo.
8 baabuur oo sidda xamuul isugu jira shidaal iyo raashinka quutuldaruuriga ah oo kala duwan oo kana yimid magaalada kismaayo ee Jubbada hoose ayaa soo galay dagmada ceelwaaq.
Ganacsiga Magaalada wuxuu u badan yahay iibsiga Xoolaha Nool, Degmaduna waxay xidhiidh ganacsi la leedahay magaalooyinka kismaayo iyo muqdisho.
Guud ahaan nabad gelyada degmada aad ayey u wanaagsan tahay ka dib markii shicibka magaalada ceelwaaq ay is-abaabuleen kana tashadeen arrimaha ammaankooda iyagoo fiiro-gaar ah siinaya xaaladdooda nolosha gaar ahaanna xagga amniga.
Farxaan Cabdille Cumar.
Ceelwaaq.com