Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Beesha Mareexaan oo maanta Shirka Dib u heshiisiinta

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Advocatar
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9940
Joined: Sat Sep 09, 2006 9:35 pm
Location: Chilling In SANAAG, Makhiir State Of SOMALI, enjoying TUNA fish

Beesha Mareexaan oo maanta Shirka Dib u heshiisiinta

Postby Advocatar » Tue Jul 24, 2007 2:06 pm

Beesha Mareexaan oo maanta Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ka sheegtay in Soomaali oo dhan ay isu baheysteen dhibaateynteeda

Talaado, July 24, 2007(HOL): Iyadoo maanta la soo gebagebeeyay qodobkii ku saabsanaa Xalinta Khilaafaadyada Beelaha ayaa maanta waxaa ka doodista qodobkaas lahaa Beesha Daarood oo ka mid ah Beelaha waa weyn ee Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ka qeybgelaya.



Xubno u hadlay Beelaha Daarood ayaa marka laga reebo Beesha Mareexaan waxay sheegeen in khilaafyada u dhaxeeya Beelaha Soomaaliyeed lagu xalin karo in wixii dhacay xalay dhalay laga noqdo, isla markaana la iska cafiyo, halka Beesha Mareexaan ay sheegtay in ay soo jeedintaas waxba ka qabin, hayeeshee ay dhibaato tirsaneyso.



Nabaddoon Xaaji Cabdi Yare oo ka mid ah Odayaasha Beesha Mareexaan ee ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Beeshiisa ay dhibaato ka tirsaneyso dhamaan beelaha Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in la isugu tegay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore, isla markaana dhibaato baaxad leh loo geystay. Nabaddoonka waxaa uu sheegay in uusan kaliya u doodeynin ka xaal-marinta dhibka loo geystay balse ay Beeshiisa diyaar la tahay in ay xaal-marin ka bixiso wixii ay geysatay oo dhibaato ah.



Beelaha kale ee Soomaaliyeed oo maalmihii aynu ka soo gudubnay qodobkan fikirkooda ka dhiibtay ayaa waxay isku raaceen in wixii dhacay la iska cafiyo, isla markaana loo soo jeesto sidii Qarannimadii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa.



Beesha Hawiye oo furtay ka doodista Qodobka ayaa Odayaal iyo waxgarad u hadlay waxay sheegeen in ay bixin doonaan wax kasta oo lagu sheegto, inkastoo ay ku talo bixiyeen Dadkii u hadlay in ay soo dhaweynayaan soo jeedinta Beelaha kale ka timid ee ku aadan in la iska cafiyo wixii horay u dhacay.



Ajendayaal kale oo ay ugu culus yihiin qeybsiga Kheyraadka iyo Awoodda Dalka iyo weliba Xag-jirnimada Diimeed ayaa u harsan Ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo aan ilaa iyo haatan rasmi ahaan loo shaacin waqtiga uu shirkooda soconayo.



Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo 15-kii bishan ka furmay Xaruntii Gaadiidka Booliska oo ku taala Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgelaya ergooyin ka badan 1000 Ergay, kuwaasi oo ka kala socda Beelaha Soomaaliya, hayeeshee waxaa qaadacay oo shirkaas in ay ka qeybgalaan diiday Maxkamadihii Islaamka, Qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye iyo weliba Xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah oo ku sugan magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

User avatar
Luq_Ganane
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7849
Joined: Tue May 22, 2007 10:17 am

Re: Beesha Mareexaan oo maanta Shirka Dib u heshiisiinta

Postby Luq_Ganane » Tue Jul 24, 2007 3:13 pm

Confused


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 7 guests