Mareeyaha garoonka Kismaayo oo ku goodiyay in sharciga la horgeynayo kooxihii dilay culumaa’udiinka
http://waagacusub.com/war%203345123461112qff2d.htm
Maareeyaha Guud ee garoonka caalamiga magaalada kismayo Maxamuud Cali Shire ayaa isna canbaareeyey dilalka ka dhacayo magaalada kismayo ee xarunta gobolka jubbada hoose, maareeyuhu waxaa dilkaasi ku tilmaamay mid naxdin iyo foolxumo badan oo aan la qaadan Karin, islamarkaana buu yiri kooxihii ka danbeeyey gacanta lagu soo dhigi doona, lana horkeeni doona sharciga, sida ugu dhaqsaha badan.
Waa mas'uulkii ugu horeeyey oo dowladda ka tirsan o ka hadla dilalkii raggiii ganacsatada ahaa tan iyo intii ay dhaceen falalkaasi 4tii,bishan October.
Sidoo kale waxa uu masuulkaani uu ka hadlay Dilkii loo geystey Sh jeeylaani sh cali ,Maxamuud yusuf Ruke ,Cabdi wali iyo Taliyihii nabad sugida Gaashaanle Maqtal gaagaab oo dhamaantood lagu dilay gudaha kismayo xiliyo habeen iyo maali intaba iyo weerar loo geystey Wakiilka ithopia u fadhiyo Jubbooyinka oo rasaastii loo wadey uu ku dhaawacmay darawalkii gaarigiisa
Inkastoo dilalkaani ay ku soo kordhayaan magaalada kismayo shacabkana ku abuurey qalqal iyo cabsi xoogan ayaa haatan waxaa laga warsugayaa odayaashi kismayo iyo maamulka inay gacanta ku soo dhigaan kooxaha falalkaani ka danbeeyo oo la sheegey iminka in lagu raad joogo,waloow aan la sheegin halka ay ku sugan yihiin Kismayo iyo degaano ka baxsan.
Layla Sheik Adam
layla@waagacusub.com
http://waagacusub.com/war%203345123461112qff2d.htm