Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Ciyaartoyda G/Gedo Oo Maanta Gaanshaanka U Daruuray Natiijadii Ciyaarihii Dhawaan Ka Dhacay Magaalada Kismaayo
Gudoomiyaha Sports-ka iyo Dhalinyarada degmada B/dheere Yoosin Cabdi Aadan Dalal (Xoosh) oo maanta la soo xiriiray Warbaahinta Gedonet ayaa gaashaanka u daruuray natiijadii ciyaarihii dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, iyo weliba maamul la sheegay in ay sameysteen sedexdii gobol ee wada ciyaartay.
Waxaa sidoo kale maamulkani iyo weliba natiijadii ciyaartii dhawaan ka dhacday Kismaayo Wax ka ma jiraan ku tilmaamay ciyaar yahanno dhowr ah oo uu kamid yahay ciyaaryahanka u dheelo G/Gedo ee Xusni Xaashi Axmed Nuur, kana mid ahaa ciyaaryahanadii goolasha u dhaliyay ciyaartoyda Reer Gedo. Waxayna Yoonis iyo Xusniba Shaaca ka qaadeen in ciyaartii dhawaan dhexmartay Sedexda Gobol wax la isdaba marshay.
Wuxuuna Yoonis intaa ku daray in ay doorasho Sports-ka ah ka dhici doonto dhawaan xarunta Gobolka Gedo ee G/haarey, taasoo ay qabaneyso hay'ada NCA, oo ka howl gasho degmada G/haarey, isla markaana maamul ay sameystaan ciyaartowda G/Gedo uu noqon doono midka asaga ka arrimin doono Gobolka lana Xisaab tami doono raggii ka danbeeyay wax isdaba marintii dhawaan ka dhacday Kismaayo, kadib markii si hoose loo gudoon siiyay Koobkii loo tartamayay ciyaaryahanadii Jubbada Hoose oo markaaba lagu lahaa hal gool oo ay lahaayeen ciyaartoyda G/Gedo.
Waana midaa midda ciyaartowda Gobolka Gedo ka dhex dhalisay guuxa iyo sawaxanka dhaliyay in maamul cusub la yigleelo. Yoonis Cabdi Aadan Dalal ayaana sheegay in uu wixii haatan ka danbeeyo uu yahay musharax u taagan xilka guddomiyenimada sportiga ee G/Gedo.
Wali Sh Cabdi Gurxan
Gedo News Network
Kismaayo Soomaaliya
http://www.gedonet.com/index.php?news=2951