and read this
Banaan bax weeeyn oo lagu Taageerayo Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweeyne Sh. Shariif ayaa waxaa uu Maanta Ka dhacay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud
Caabudwaaq, Somalia (AOL) - Banaan baxaan lagu taageerayo Ra’iisulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo madaxweeyne Sh/shariif ayaa waxaa soo abaabulay Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka G/gaduud Mudane C/qani Warsame Jaamac iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Caabduwaaq Mudane Axmed soobe. Waxaa sidoo kale isku soo baxaan ka soo qayb galay odayaasha dhaqanka, aqoonyahanka iyo ururada bulshada.
Banaan baxaan oo ahaa mid si nabadgalyo ah ku soo dhamaaday kadib markii ay dadka mudaharaaday ay lug ku soo mareen wadooyinka magaalada, ugu danbeeyntii waxaa ay iskugu yimaadaan barxada weeyn ee magaaladaasi waxaana halkaas halku dhigyo kasoo jeediyay qaar ka mid ah abwaano oo ka tiriyay gabayo ay ku amaanayaan Shiiq Shariif iyo Ra’iisulwasaare Cumar C/rashiid.
Sidoo kale, waxaa goobtaas ka hadlay Nabadoono ay ka mid yihiin Nabadoon Faarax Nuure Xuubeey, Nabadoon aadan Wali, Nabadoon Buubshax Maxamed Cade, iyo Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka G/gaduud Mudane C/qani Warsame Jaamac oo halkaasi ka sheegay sida ay u taageersan yihiin dawlada Shiiq shariif iyo Ra’iisul wsaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo uu mas’uulkaasi ku tilmaamay in ay yahay rag qibrad iyo dulqaadba u leh xilkaas loo dhiibay.
Halku dhigyada ay boorarku ku wateen dadka mudaharaadayay ayaa waxaxa ka mid ahaa oraahdaan “ Dadka R/Caabaudwaaq waa Dad xukun yaqaan in la xukumana diyaar u ah, in ay wax xukumaana diyaar u ah, xukunku waa Nolol iyo Hurumar, Xukun la’aantu waa Xabad iyo Baaba" IWM.
http://www.allgedo.com/Galged/caabudwaa ... 20news.htm