Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Allgedo ayaa tiri that Shiskabab si xun loo jabiyey

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Allgedo ayaa tiri that Shiskabab si xun loo jabiyey

Postby CoolPoisons » Fri Oct 22, 2010 1:19 am

Xoogagii Al-shabaab oo Balad-xaawo laga saaray iyo qasaaraha dagaalka ka dhashay oo aad u badan

Dagaalkii qaraaraa ee ka socday magaalada Baladxaawo ayaa joogsaday kaddib markii ciidamadii Al-shabaab xoog looga saaray magaalada.

Inkasta oo ay jiraan warar hore oo is burinayay oo ka imaanayay xaaladda ay Baladxaawo ku sugan tahay iyo cidda ku gacan sareysa dagaalkii dhex marayay xoogaggii ay dirirta u dhaxeysay, ayaa xaaladda dhabta ah ee ay hadda Baladxaawo ku sugan tahay waxay tahay in ay gacanta ugu jirto ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlu Sunna Wal-jameeca ee todobaad ka hor qabsaday magaalada.

Dagaalka oo markii hore ka bilowday daafaha magaalada Baladxaawo ayaa markii danbe la’isla soo galay gudaha magaalada, ayada oo xaqiiqduna tahay in ciidamada dowladda KMG ah ay ahaayeen kuwo difaac ku jira halka kuwa Al-shabaabna ay ahaayeen kuwo weerar ah, taasina ay keentay in sida la sheegayo qasaaraha inta badan uu soo gaaray mileeshiyada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa makuu in muddo ah socday waxaa ciidanka Dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlu Sunna oo isku dhinac ah dhanka Teknikada kusoo xoojiyay ciidamada dalka Itoobiya oo magaalada meelo fog-fog madaafiic cul-culus uga soo qaraacayay.

Waxaa jira warar sheegaya in madaafiicdii ay ciidamada Itoobiya soo ridayeen ay ku habsadeen guryaha ay dadka rayidka ah leeyihiin qaarkood, ayada oo halkaasna madaafiicda habowga ah ay ku dul habsadeen guryo ay ku jireen dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Arrinta naxdinta leh ee la sheegayo ayaa waxaa ka mid ah in qoys ka koobnaa 6 qof oo isugu jiray aabaha qoyska, hooyadii iyo 4 canug oo ay dhaleen ay dhamaantood ku nafwaayeen madfac gurigooda ku dul dhacay.

Ilaa iyo hadda ma cadda qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay, balse waxaa AOL loo xaqiijiyay in uu qasaaraha u badan yahay dhanka xoogaggii Al-shabaab ee duulaanka soo qaaday.

Hadda magaalada Baladxaawo waa degan tahay, waxayna gacanta ugu jirtaa ciidamadii dowladda KMG ahaa iyo kuwii Ahlu sunna Wal-jameeca, halka kuwii Al-shabaab ee dagaalka lagu jabiyayna aanan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin.

Wixii war ah ee kasoo baxa dagaalka Balad-xaawo kala soco wararkeena danbe.

Saciid C/laahi Farax, Baydhabo/Somalia.

http://www.allgedo.com/2010/10/21/dagaa ... aladxaawo/

User avatar
new-york24
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2800
Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO

Re: Allgedo ayaa tiri that Shiskabab si xun loo jabiyey

Postby new-york24 » Fri Oct 22, 2010 1:47 am

I know your pissed off at me cool,so let me help you tonight.you are right they drew back.

Ciidamada Itoobiya oo Madaafiic ku dumiyey magaalada Beled-Xaawo iyo Mujaahidiinta oo Taaktiik u dejiyey magaalada (Faah faahin). .
Friday, 22 October 2010 06:25 Maamulka Memo Hits: 0 . .

Xaaladda magaalada Beled-xaawo ayaa saaka degan kadib dagaallo culus oo shalay ilaa iyo xalay ku dhaxmarayey ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa Itoobiya oo ay la socdaan Maleeshiyaad hubaysan.



Wararka nagasoo gaaraya magaalada ayaa xaqiijinaya in dhulka laga dhigay dhismooyinkii ugu caansanaa magaalada xalay oo idilna lagu garaacayey madaafiicda PM-ka.



Kalabar Beled-xaawo ayaa saaka ah mid dunsan waxaana madaafiic si arxan darra ah ula dhacay ciidanka Tikreega oo 10-saacadood oo xariir ah madaafiicda laayaanka ah ku garaacayey.



Xalay saqdii dhexe saacadu markii ay ku beegneed 2:00-dii habeenimo ayay saraakiisha ciidanka Mujaahidiinta go'aanmiyeen in xeelad dagaal aawgeed magaalada dib looga gurto si cadawga Itoobiya aysan uburburin magaalada oo dhan.



Laakin madaafiicdu sidaasi kuma joogsan oo saaka 6:00-dii aroornimo ayay soo gaartay, Maydadka shacabkeena Muslimka ah ayaa saaka si dhib badan loogasoo daad gureeyey gudaha magaalada welina waxaa jira dhaawacyo laqaadi waayey oo guryaha ku jira.



Mujaahidiinta ayaa ku sugan hareeraha magaalada Halka Maleeshiyada DKMG ah iyo ciidanka Itoobiya ay iyana ku suganyihiin banaanka magaalada waxaana goordhaw istaagay madaafiicdii Fooriyaha ee magaalada lagu garaacayey.



Ciidamada Tikreega ayaa shacabka Muslimka Beled-Xaawo u muujiyey xaasidnimo qota dheer kadib markii ay shacabkaasi diideen in ay goobahooda ganacsiga dib u furaan xiligii ay Maleeshiyaadka Barre Hiiraale haysteen magaalada.

SomaliMeMo News Desk.

But dont get too excited,the youth never make a move on the chess board without a plan B. :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests