Xoogagii Al-shabaab oo Balad-xaawo laga saaray iyo qasaaraha dagaalka ka dhashay oo aad u badan
Dagaalkii qaraaraa ee ka socday magaalada Baladxaawo ayaa joogsaday kaddib markii ciidamadii Al-shabaab xoog looga saaray magaalada.
Inkasta oo ay jiraan warar hore oo is burinayay oo ka imaanayay xaaladda ay Baladxaawo ku sugan tahay iyo cidda ku gacan sareysa dagaalkii dhex marayay xoogaggii ay dirirta u dhaxeysay, ayaa xaaladda dhabta ah ee ay hadda Baladxaawo ku sugan tahay waxay tahay in ay gacanta ugu jirto ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlu Sunna Wal-jameeca ee todobaad ka hor qabsaday magaalada.
Dagaalka oo markii hore ka bilowday daafaha magaalada Baladxaawo ayaa markii danbe la’isla soo galay gudaha magaalada, ayada oo xaqiiqduna tahay in ciidamada dowladda KMG ah ay ahaayeen kuwo difaac ku jira halka kuwa Al-shabaabna ay ahaayeen kuwo weerar ah, taasina ay keentay in sida la sheegayo qasaaraha inta badan uu soo gaaray mileeshiyada Al-shabaab.
Dagaalka ayaa makuu in muddo ah socday waxaa ciidanka Dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlu Sunna oo isku dhinac ah dhanka Teknikada kusoo xoojiyay ciidamada dalka Itoobiya oo magaalada meelo fog-fog madaafiic cul-culus uga soo qaraacayay.
Waxaa jira warar sheegaya in madaafiicdii ay ciidamada Itoobiya soo ridayeen ay ku habsadeen guryaha ay dadka rayidka ah leeyihiin qaarkood, ayada oo halkaasna madaafiicda habowga ah ay ku dul habsadeen guryo ay ku jireen dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Arrinta naxdinta leh ee la sheegayo ayaa waxaa ka mid ah in qoys ka koobnaa 6 qof oo isugu jiray aabaha qoyska, hooyadii iyo 4 canug oo ay dhaleen ay dhamaantood ku nafwaayeen madfac gurigooda ku dul dhacay.
Ilaa iyo hadda ma cadda qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay, balse waxaa AOL loo xaqiijiyay in uu qasaaraha u badan yahay dhanka xoogaggii Al-shabaab ee duulaanka soo qaaday.
Hadda magaalada Baladxaawo waa degan tahay, waxayna gacanta ugu jirtaa ciidamadii dowladda KMG ahaa iyo kuwii Ahlu sunna Wal-jameeca, halka kuwii Al-shabaab ee dagaalka lagu jabiyayna aanan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin.
Wixii war ah ee kasoo baxa dagaalka Balad-xaawo kala soco wararkeena danbe.
Saciid C/laahi Farax, Baydhabo/Somalia.
http://www.allgedo.com/2010/10/21/dagaa ... aladxaawo/