they said this duulaan's gonna be different than kuwa ka horeeyey they said the moral of ciidanka Dolow waa high. Xarun caafimad weyn laga dhisay Dolow for ciidanka and that they gonna capture whole of Jubaland
Qorshe dagaaleedkaan cusub ayaa la sheegayaa inuu siyaabo badan uga duwanaan doono kii kal hore ay ciidamadaas huwanta ah ku galeen magaalada Balad-xaawo, dabadeedna qilaaf weyn oo soo kala dhex galay kaddib uu dhaliyay inay dib ugu gurtaan rugihii ay kasoo duuleen ee labada Doolow.
Qorshe-yaasha cusub ee lagu dagaal gelinayo ciidamadaan huwanta ah ayaa la sheegayaa inay ka mid yihiin:
1. Ayada oo wax laga badalay qaab hogaaminta saraakiisha Ciidamada huwanta ah, isla markaana kor loo qaaday tababarka iyo mooraalka ciidanka duulaanka kusoo ah gobolka Gedo.
2. In si weyn loo diyaariyay saadka iyo saanadda ay ciidamada duulaanka kusoo ah gobolka Gedo ku howl galayaan.
3. In barta taliska oo ah Doolow (Itoobiya) laga diyaariyay rug caafimaad oo askarigii soo dhaawacma la geyn doono si loogu daaweeyo.
4. In hal mar lasoo duulaan galiyo ciidamada ku dagaal galaya magaca Soomaaliya, kuwa Itoobiyana ay ka saacidaan dhanka farsamada sida: Madadfiicda goobta, BM-ka, Hoobiye-yaasha, Taangiyada iyo Isgaarsiinta.
5. In Degmada Doolow Itoobiya ay noqoto rugta ugu weyn ee ay ciidamada huwanta ah ee la rabo inay qabtaan dhowr gobol oo ka tirsan Koofurta Soomaaliya ka howl galaan, ayada oo isla markaana xarun rasmi ah u ah IGAD oo wadata kuna howl galeysa magaca AMISOM, ciidamada Itoobiya, iyo kuwa Soomaaliyeed oo deegaano kala gedisan laga soo aruuriyay.
http://www.allgedo.com/2011/02/20/guluf ... -ka-dhaco/