Page 1 of 1

More rain continues to fall in Gedo- Alhamdulilah

Posted: Wed Mar 16, 2011 3:58 am
by XimanJaale
Roobab lagu diirsaday ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay deegaanno iyo degmooyin katirsan Gobolka Gedo Koonfurta Soomaaliya oo ka mid ahaa gobolada ay abaartu saameysay.

Dhibcaha roobka ayaa ku dhacay degmada Baardheere iyo tuulooyin hoos yimaad Ceel-Waaq oo ay kajireen dhibaatooyin xoog leh.

Tuulooyin ku dhaw Baardheere ayuu roob wadooyinka biya dhigay ka da’ay waloow roobkaasi uusan aheyn mid sidaasi u weyn oo saacado badan da’ayay balse wuxuu qaboojiyay dadka iyo doonyada oo ka sheeganayay kuleyl ka dhashay abaarta.

Deegaanka Buusaar oo Ceel-Waaq ku dhaw waxaa ka da’ay seymaha roobka oo biya dhigay wadooyinka iyo waraha sidoo kale roob lagu diirsaday ayaa ka da’ay deegaanka Dhamase oo isna Gedo ka tirsan.

Deegaanada Faafax-dhuun iyo Buurdhuubo ayaa iyana laga soo sheegay roobab fashiiq ah oo aan sidaasi u xooganeyn.

Shacabka ku dhaqan Geeska Afrika ayaa bisha April ee soo socota filaya in ay u curtaan Roobab si abaarta looga baxo.

Re: More rain continues to fall in Gedo- Alhamdulilah

Posted: Wed Mar 16, 2011 11:57 am
by Archerr
Alxamdulillah. :up: Insha allah lasting peace will follow.