Ceel-waaq: (Sh. M. Network) Saraakiisha ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee degmada Ceel-waaq ayaa waxa ay sheegeen inay isku soo dhiibeen Ciidamo ka tirsanaa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Taliyaha ciidamada dowladda KMG Soomaaliya degmada Ceel-waaq ee goblka Gedo Warfaa Sheekh Aadan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay inay isku soo dhiibeen Askar ka tirsan ciidamada Shabaab oo sida uu tilmaamay gaarayay ilaa 7-askari.
Taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay inay askartaasi ay wataa hub, isagoo sheegay inay ka mid ahaayeen askartii ay kula dagaalameen deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo.
Mar Shabelle ay wax ka wadiisay Taliyaha ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee degmada Ceel-waaq, war kasoo baxay Abaanduulaha ciidamada dowladda Janaral C/kariin Yuusuf Aadan (Dhagabadan) oo ku aadanaa inay isku xiran yihiin howlgalada dowladda KMG ay wado gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ku jawaabay in xiligaan aysan wax taageero ah ka haysan dowladda KMG hase ahaatee ay taageeraan wadamada dariska la’ah Soomaaliya.
Ugu dambeyn Warfaa Sheekh Aadan ayaa waxaa uu sheegay in weerarkii degmada Dhoobley ay qaadeen Ciidamada dowladda, isagoo intaasi raaciyay inay ka go’antahay inay dagaalamaan ilaa inta ay kala wareegayaan degmada Dhoobley oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Shabaab.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo ku aadan hadalka kasoo yeeray dowladda KMG oo ah inay isku soo dhiibeen askar ka tirsan ciidamada Xarakada Al Shabaab.
http://www.shabelle.net/article.php?id=4793
Jaalle Sade UNITE