Waxgaradka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay maleeshiyada Shabaab ee ku sugan qaybo ka mid ah gobalka in ay ay dhibaatooyin ku hayaan gaadiidka ganacsi ee alaabaha u kala qaada degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Nabaddoon Xasan Cumar Cilmi, oo ka mid odayaasha degamada Ceelwaaq, ayaa Barkulan u sheegay in maleeshiyada shabaabka ay bilaabeen dhibaatooyin ka dhan ah gadiidka ganacsiga qaado isagoo tilmaamay in 20 gaadiid wada shixnado ganacsi u siday degmada ay shabaabku xanibeen.
Waxaa uu sidoo kale Shabaabku ku eedeeyay in ay miinooyin ku aaseen inta u dhaxeysa deegaanada Muudaale iyo Buusaar ee gobolka Gedo, taasoo uu sheegay inay qatar ku tahay dadka ku nool galbeedka gobolka Gedo.
Gaadiid badan oo shixnado ganacsi u sida degmada Ceelwaaq ayay shabaabku ku xannibeen degmada Balanbal oo 82 kiilo mitir u jirta degmada Ceelwaq, iyadoo sidoo kale gawaari badan oo u shixnado ganacsi u siday deegaano ka tirsan gobolka Gedo ay ku xannibanyihin gobollada Baay iyo Bakool.