You gotta love somalia and its ups and downs,mr cabaas talxe was deported from dhobleey after he failed trying to brake one of his goons out of lock up
Wararka naga soo gaaraya Degmada Dhoobley ayaa sheegayaan in Ciidamo uu hogaaminaayo Cabaas Talxa loo diray Magaalada Ceelwaaq ee Gedo, habeen hore ayey Ciidamada u guureen dhanka Ceelwaaq. Ciidankan oo dhamaantood ka soo jeeda beel ka mid ah beelaha dega Gobalka Gedo ayaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee loogu diray Ceelwaaq.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxayaa guuritaanka Ciidamadaasi, wararka qaar waxay sheegayaan in Ciidamada ka dagaalama Ceelwaaq looga shakiyey in ay xiriir la leeyahiin Alshabab sidaasi daraadeedna loogu diray halkaasi Cabaas si uu hogaanka ugu qabto Ciidamadaasi, Halka wararka qaarna ay sheegayaan in Cabaas uu isagu dalbaday in uu aado Gobalka uu ka soo jeedo isaga iyo maleeshiyaadkiisa, kadib markii lagu eedeeyay Maleeshiyada Amaan darada ka wada Dhoobley in ay yihiin kuwiisa, sidaasi daraadeedna dowlada Kenya ay ku wargelisay in uu aado Ceelwaaq.
Waxaa jira warar kale oo la isla dhexmarayo, Laakiin waxaa la xaqiijiyey in Cabaas iyo Ciidankiisa ay habeen hore u guureen Ceelwaaq. Maleeshiyada Cabaas ayaa lagu qabtay Diif ,iyadoo halkaasi looqa qaaday Hub la sheegay in uu si qarsoon ku qaatay.
Waxaa Xusid Mudan in tirada Ciidamadii Ceelwaaq ku sugnaa ay aad hoos ugu dhacday kadib markii ay ka soo goosteen Ciidama badan oo ka soo jeeda Gobalada Jubboyinka. isku soo duuboo guud ahaan Ciidamada Kenya lagu soo tababaray ayaa u muuqda kuwa aan nidaam lahayn isku dhex yaacsan oo waliba kala shakisan, taasna waxaa keentay in Khilaaf kooda loo maara waayo, Ciidamadani waa Ciidama ka soo kala jeeda deegaana kala duwan iyo beela ay xurguf ka dhexeeysay, isla markaasina aan is ogoleyn oo keliya inta la hubeeyay uun la isku daray.
Cali yare
waamonews.com