Postby Khalid Ali » Sun Sep 11, 2011 7:51 am
Xarakada Al-shabaab oo dagaal khasaare badan geystay kula wareegay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo
Axad, Septenber, 11, 2011 (HOL) — Xarrakada Al-shabaab ayaa dagaal khasaare badan dhaliyay kula wareegtay baqonimadii maanta degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaasoo ay tan iyo billowgii sannadkan ay ka talinayeen ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya.
Dagaalka oo ka dhashay weerarro qorsheysan oo ay Xarakada Al-shabaab dhowr jiho kaga qaaday degmadaas ayaa dhaliyay dhimashada ugu yaraan 14-qof oo labadii dhinac ee dagaalamay ka mid ah, iyadoo degmada ay hadda gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.
Xoogaga Al-shabaab ayaa la sheegay inay dhowr jaho ka weerareen degmada taasna ay keentay in ciidamadii dowladda KMG ah ee ku sugnaa ay u cararaan dhinaca degmada Mandheera ee dalka Kenya.
Dhaawacyada 15-askari oo ka tirsan ciidamada DKMG ah ayaa la geeyay isbitaalka Mandheera ee dalka Kenya kuwaasoo ka mid ahaa askartii ku dhaawacmay dagaalkii Ceelwaaq ka dhacay. Ma cadda khasaaraha dhaawac ee gaaray dhinaca kale inta uu le'eg yahay.
"Shacab badan oo kasoo cararay dagaalka u Ceelwaaq ku dhexmaray ciidamada DKMG ah iyo Al-shabaab ayaa soo gaaray Mandheera," ayay gobjoogayaal u sheegeen warbaahinta, iyadoo shacabku ay sheegeen in dad rayid ah ay dagaalka u dhinteen.
Guddoomiyaha gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya James Ole Serian ayaa u sheegay saxaafadda dalkiisa inay adkeeyeen amaanka xuduudda si ay uga hortagaan in dagaalku uu dhankooda kusoo fido, isagoo sheegay in degmada Ceelwaaq ay u jirto xadka 10-km.
"Waxaan la soconaynaa xaaladda, waana haysannaa ciidammo ammaanka suga," ayuu yiri Ole Serian.
Xoogaga Al-shabaab ayaa ku sugan gudaha degmada Ceelwaaq waxaana dadku ay sheegeen inay joogaan gaadiidka dagaalka ee Al-shabaab, iyadoo saraakiil ka hadlay warbaahinta Muqdisho ee Al-shabaab ay guulo ka sheegteen dagaalka.
Dowladda KMG ah ayaan weli ka hadlin dagaalka, iyadoo dagaalka uu sababay inuu gubto suuqa buusaar oo ka mid ah suuqyada ku yaalla degmada Ceelwaaq kaddib markii ay ku dhaceen madaafiicda ay dhinacyadu isdhaafsanayeen.