Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Allgedo takes the cake

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Allgedo takes the cake

Postby Shift » Thu Nov 03, 2011 12:31 am

Imagine my lack of suprise when i read this,they are claiming gandhi,axmed madoobe,absame iyo kenya were behind the kidnaping.reerka even their shabaab sites have decided to close the quran and just tell tales :lol:

Yaa ka danbeeyay afduubka iyo dilka dalxiisa-yaasha Jasiirooyinka Kenya?
Print here| By: allgedo.com: Wednesday, November 2, 2011 // 13 Jawaabood

Related ArticlesSida an aragnay ciidamada waddanka an deriska nahay ee Kenya waxay weerar gardarro cad ah ay ku soo qaadeen degaanno ka mid h gobollada konfureed ee Soomaaliya, falkaas gardarada ah wuxuu meel ka dhac weyn ku yahay xurnimada iyo jiritaanka dawlasnimada Soomaaliya. Kenya xaq uma laha inay Soomaaliya soo weerarto, waxbana kama jiraan arrimaha ay sheegayaan kuwa ku hadlay magaca dawladda Kenya iyo kuwa damiir la’aanta ah oo sheeganaya in ay yihiin Soomaali.

Waxba kama jiraan arrimaha lala xiriirinayo dad Soomaali ah dhibaatooyinkii ka dhacay goobaha dalxiiska ee waddanka Kenya halkaas oo laga soo afduubay dalxiisayaal u kala dhashay faransiis iyo british, kaddibna la dilay dadkaas la soo afduubay.

Dhacdooyinka afduubka labada dumar oo u kala dhashay faransiiska iyo ingiriiska waa arrimo laga qorsheeyey lagana fuliyey gudaha Kenya, waxaana ka dambeeya kuwa ku hadlaya magaca dawladda Kenya oo asal ahaan soomaali ah iyo kuwa sheegtay madaxtinimada mamulkaan lagu mgacaabay Azania waxana u daliil ah:

1-Horey uma dhici jirin in dad soomaali ah inay ka tillaban xaduudka kana soo afduubaan gudaha Kenya dad dalxiisayaal ah, ha yeshee sida la xasuusanyahay sanadkan 2011-ka gudahisa waqtiyo isku dhaw-dhaw waxaa ka dhacay xeeebaha Kenya oo soo xiga xaduudka Soomaaliya dhawr afduub oo dumar u badan, waxaana warbaahinta caalamka si ballaaran looga sheegay in afduubkaas ay ka dambeeyeen Asshabaab ama burcad soomaaliyeed, maxaa yeelay sida la sheegay dadka la afduubay ayaa lala soo aaday dhanka Soomaaliya.

2- Haddana dhammaan dadkii la afduubay oo gaarayey ilaa 4 qof waa la wada dilay, haddaba su’aasha la’is wediiyay waxay tahay: Kuwaan dadka afduubay maxay u dileen dadka ay afduubteen? Madaama dadka la afduubay aysan ahayn shaqsiyaad madax aha ama qof cadaw ku ahaa oo ay ciil hore u qabeen.

Wa yaab! Afduubayaasha haddi ujeddadoda ay ahayd inay dalbadaan lacag madaxfurasho, maxay u dileen qofka ay lacagta ku heli lahayeen?.

Marka waxaa la fahmi kara in ujeeddada loo afduubay dumarka dalxiiska aha inaysan aheyn in lacag lagu helo, ujeeddada waxay ahayd in la kiciyo dareenka dawladaha ay kasoo jeedeen. Hadaba maxa loo dilay? Waxaa loo dilay:

1- Marka hore in la kiciyo dareenka bulshada caalamka, gaar ahaan in laga careysiyo dawladaha ay u dhasheen kuwa la afduubay.

2- Marka labaad, in dumarka la qafaashay aanay tilmaan ka bixinin kuwa qabsaday iyo inaysa dareemin kaddibna sheegin Geography ahaan goobaha la geystay, maxaa yelay haddii tilmaan laga bixiyo Geography ahaan goobaha la geeyey dadka la qafaashay waxaa la fahmayaa cidda gacanta ku haysa goobahaas.

Dhacdooyinka afduubyadaan isdaba joogga ahaa oo ka dhacay isla sannadkaan 2011 Jasiirooyinka dalxiiska ee Kenya waxay biloowdeen kaddib markii ay fashilmeen qorshaha weerarradii ay soo qaadeen cidamadii Kenya lagu soo tababaray, ciidamadaas oo ay hoggaaminayeen kuwa haddeer sheeganaya madaxtinimada maamulka Azania, ujeedada qorshahaas laga lahaana waxay ahayd in gobollada Jubooyinka iyo Gedo laga xureeyo dhadhaqaaqa Ashabaab, kaddibna ay gacanta ku qabtaan gobolladaas kuwa ku dhawaaqay dhismaha Azania, ha yeshee qorshahaas meel mar ma noqonin wuu fashilmay ciidamadii Kenya kasoo duulay oo way ku fillanwayeen inay Alshabaab ka kiciyaan gobollada ay haysatay, kuwii hoggaaminayey ciidamadasna sidasay ku huggoobeen.

Markaa kaddib, markuu ka fashilmay duullaankii ay ku qaadeen Alshabaab Gaandi iyo asxaabtiisa waxay diyariyeen qorshe kale si ay u garaan danahooda kuna helaan tageero militeri iyo dhaqaale ka ballaaran intii ay horey u haysteen, gaar ahaan Gaandi wuxuu isku dayay in qorshaha uu wato inay ku lug lahaadaan qaar ka mid ah dawladaha xoogga leh mise kuwa caalamka wax ka hogggaminaya, sida Faransiiska, Mareekanka iyo Ingiriiska, Gaandi wuxuu haystaa dhalashada faransiiska, naag fransiis ahna wuu qabaa, wuxuuna si daran u doonayaa inuu helo taageeridda dawladdaas loona arko inuu yahay muwaadin faransiis ah oo raba inu dhisto dawlad goboleed u asaga madax u yahay sidaasna ku helo tageerida fransiiska iyo dawladaha xulaafadaha la ah.

Haddaba, sidaas ayay u muuqataa inu ku yimid qorshaha afduubaka kaddibna dilka dumarka kala ahaa muwaadiniin Faransiis iyo British isugu jira, loona eekeeyo in dhacdooyinkaas ay ku lug leeyahiin Alshabaab iyo wixii raacsan oo ka yimid xagga Soomaaliya, kaddibna ay caroodaan tillaabana ka qaadaan dhmmaan dawladaha ay si toos ah u taabanayeen dhacdoyinkas afduubaka iyo dilka dalxiisyaasha sida:

1-Kenya oo waddankeeda ay ka dhaceen falalkaas
2-Faransiiska iyo Ingiriiska oo mowaadiniintooda la afduubay lana dilay.

Marka sida an arkeyno waa la fuliyey qaybti hore ee qorshaha Gaandi iyo kooxdiisa, waa tan oo lasoo weeraray Soomaaliya gobolladeedana la qabsaday ayadoo lagu marmarsoonayo in Alshbaab la cayrsanaayo,
laakiin sida aan kor kusoo xusay waxba kama jiraan arrinaha lagu marmarsoonayo oo ah in dumarka la afduubay lala soo galay Soomaaliya arrintaas waa iska been cad waana fududahay in sidaas loo fahmo,
maxaa yeelay sida la ogyahay xeebaha Soomaaliya oo xiga xaduudka Kenya kuna dhaw Jasiirooyinka dalxiiska ee Kenya waxa ku sugan ciidamada lagu magacaabo ”Raskiyambooni” oo u hoggaamiyo Axmed Madoobe, marka cidamadaan waxay mar walba ku sugnaayeen xeebahaas xaduudka xiga halkaasana gabbaad u ahayd, marka dabcan waxay iska ilaalin jireen taxaddirna ka qabeen in badda iyo birriba uusan cadaw kaga imaan.

Haddaba, sidey suuragal u tahay in ciidan dhisan oo waqti kasta heegan ah oo dagaal ku jira in goobaha saldhigga u ah tiro afar jeer ah lala soo dhex maro dad ajnabi ah oo lasoo afduubay? Hadaad si fiican ugu kuur gasho qaabka ay sheekadaan u dhacday, marka laga soo baxo Jasiirooyinka la sheegay in dadka laga soo afduubay oo lasoo aado dhanka Soomaaliya waxaa qasab ah in la soo dhex marayo gooboha ay deggan yihiin kana hawl galaan ciidamada Axmed Madobe, taasna waa arrin an suuragal ahayn, waa haddii uusan jirin heshiis ka dhexeya madaxda ciidmadaas iyo afduubayaasha.

Waxaa la sheegay in markii la soo afduubay haweneydii Faransiiska ahayd in markab ay leeyahiin ciiddamada badda ee Kenya uu soo cayrsaday doontii lagu soo kaxaystay naagtii la soo afduubtay, waxaa la sheegay in doontii ay u si carartay xagga bad weynta, haddaba kuwa doontaas ku cararayey xaggey
tiigsanayeen oo ay islahaayeen gaara si ay ku badbaadaan?

Buur-gaabo oo ka mid ah goobaha kooxaha Alshabaab ay ku sugan yahiin, waxay u jirta ugu yaraan 200 kilometr jasiiradaha Kenya oo laga soo kaxeystay dalxiisayaasha, marka suuragal ma ahayn in doonnida yar oo la carareysay dadka lasoo qafaashay ay kusii oroddo badweynta ilaa masaafo sidaas u dheer ayado aysan arkin marakiibta iyo doomaha Kenya oo cayrsanayey kuna raad joogay.

Teeda kale, kuwa watay doonta gabadha lagu soo afduubay haddii ay ahayeen dad ku sii cararaya dhinaca Soomaaliya ma mari karin xeebta hoose oo ay kaga dhuuman kareen kuwa cayrsanayey, maxaa yeelay xeebta waxaa ku sugna ciidan foojigan oo ah kuwa AhmedMadoobe oo iska ilaalinayey cadaw kaga yimaada xagga badda. Marka, dabcan waxay si gaar ah isha ugu hayeen wax alla wixii ka dhaqdhaqaaqa xeebta, marka xaladdaas waxay muujinaysaa in kuwa soo afduubay naagta Faransiiska ah haddiba ay usoo leexdeen dhinaca xeebta inay ahaayeen dad gacansaar la leh ciidamada xeebtaas ku sugna, sidaas daraadeedna ay halkaas ka degeen xeebtaas degaanka Raskiyambooni iyo meelaha u dhaw oo ay ku sugayeen dad ay iska war qabeen.

Dhinaca kale, waxaa tuhun dhaliyey sida la sheegay in doontii ay wateen afduubayaasha ay uga baxsatay ciidankii badda ee Kenya oo watay markab oo si aad ah ugu dhawaaday doonta carareysay, waxaana la sheegay in doonta iyo markabka ay rasaas badan is dhaafsadeen, waa yaab iyo yaabkiisa, markabkaas sidey kaga baxsan karta doontaas ay is xabbadeeyeen, mar haddii doonta ay dhex orddeyso bad weynta maxaa loo arki waayey doontaas, waayo badda ma laha god la galo iyo geedo lagu gabado toona waana biyo meel bannaan jiifa oo wixii kor saarana la arkayo.

Waxaa la sheegaya in markii ay is xabbadeeyeen markabka ciidamada badda ee Kenya iyo doonti afduubayaasha in markabkii uu baqay sidaasna uga fogaaday doonta, tan waa yaab kale, ha yeeshee kaba dhig ciidankii way baqeen mise waxay u baqeen dadka lala cararayey, markabka sow ma wadanin isgaarsiin? muxuu u isticmaali waayey oo u diri waayey qayla dhaan si loo soo kiciyo diyaarado iyo Helikobtero si cirka loogala socdo doonta badda ku carareysay loolana socdo meesha ay bronsinka dhiganayso?.

Haddaba, waxaa la fahmi karaa inaysan jirin doonni dad looga soo afduubay jasiirooyinka dalxiiska ee Keenya oo Soomaaliya lala soo aday.

Haddii dhab ahaan la rabo in la helo xaqiiqda la xiriirta sidey u dhaceen arrimaha falalka afduubka dalxiisayaasha reer Yurub waxaa habboon in su’aalo loo jeediyo shaqsiyaadkaan hoos ku qoran oo isku beel ah lana tuhunsanyahay inay ku lug leeyahiin mise ka warqabaan dhacdooyinka.

1- Wasiirka gaashaandhigga Kenya oo ay hoos yimaadaan ciidamada badda ee Kenya lana weydiiyo wasiirka sababta ciidamada badda ay u qaban waayeen doonta la baxsatay dadka la soo afduubay? Iyo sababta ciidamada cirka ee dalkas Kenya ay uga qayb qaadan waayeen hawlgalka la rabay in lagu badbaadiyo dumarka la soo afduubay, maxaa yeelay diyaaradaha iyo Helikobtarada waxay hawada kala socon kareen doontaas cararasay meeshay mareyso iyo meesha ay caga dhiganayso.

2-Haddii ay soo baxdo in afduubayaasha la sheegayo ay la soo mareen xeebta dadka ay soo qafaasheen la weydiiyo Axmed Madoobe sidey arrintaas suuragal ku noqotay, madaama ciidankiisa uu saldhig ku leeyahay kana hawl galo xeebta iyo dhulka kusii dhaw ilaa in ka badan 150 kilometer?

3- In la weydiiyo sida ay wax u dhaceen Gaandi, waayo maxaa kulmiyey fashilkii ku yimid qorshahiisii hore oo uu rabay inuu Alshabaab ka xoreeyo goballada ay haysteen iyo afduubka iyo dilka dalxiisayaahsa reer Yurub iyo weerarka lagu soo qaaday gobollada Soomaaliya ee Juubooyinka iyo Gedo?


——
Cali Geelle
waamo114@yahoo.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

User avatar
Murax
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 28171
Joined: Sat Dec 29, 2007 4:45 am

Re: Allgedo takes the cake

Postby Murax » Thu Nov 03, 2011 7:45 am

MR Websites waxay u kala Baxaan

Saxiix=Gedonet, Gedoonline, Allwariye
Xassan=Allgedo
Daciif=Gedoweb


In any event Werne't the kidnapped terrorists held in Afmadow?


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests