[REALGEDO TM, USA] http://www.realgedo.blogspot.com
Qiimaha shidaalka ee dal-weynaha Maraykanka ayaa wuxuu caga-cagaynayaa (meelaha qaarna dhaafay) afar doollar gallon-kii.
Dadka Maraykanka ah ayaa inta badan ay arrintaasi aad u damqinaysaa, bacdamaa uu Maraykanku yahay dalka ugu babuur iyo mootooyin badan adduunka. Waxaa meelaha qaar a sheegaya in ay dadku u hayaamayaan dhinacaa iyo San Fransisco iyo magaalooyinka leh gaadiidyada dadweynaha.
Nin Soomali ah oo deggan magaalada Minniapolis ayaa Realgedo u sheegay in haddii ay arrintu sidan u sii cakirraato uu carruurtiisa garabka u saaran dono meel allaale meeshii dhaqaale iyo qiime-jabnaan ku dhaanta magaladaas uu joogo. "Anigu meeshan geel iiguma xaraysna adeer" ayuu yiri ninkaas o magiciisa Abukar ku soo gaabiyey.
Dhanka kale Barack Obama ayaa arrintaasi ay u eg tahay mid uu aad ugu diirsanayo oo hubaal ka dhigaysa in la dooran doono haddii uu xaalku sidan sii ahaado. Obama ayaa wuxuu guud ahaanba ka soo hor-jeedaa inta badan siyaabihii uu Bush wax u maamulay, meesha uu McCain isagu 100% Bush iyo tallaabooyinkiisii meeshan wax dhigay taageersan yahay.