Page 1 of 1

Beesha Biimaal waxa ay si buuxda u taageersan tahay Shirka K

Posted: Thu Apr 11, 2013 9:50 am
by The_Patriot
Beesha Biimaal waxa ay si buuxda u taageersan tahay Shirka Kismaayo
Beesha Biimaal waxa ay ka mid tahay beelaha dega Jubooyinka, waxa ayna si buuxda u taageersan tahay Shirka haatan ka socda magaalada Kismaayo ee beelaha Soomaliyeed ee dega Jubooyinka ay aayahooda kaga tashanayaan.
Beesha Biimaal waxa ay u aragtaa shirka Kismaayo fursada kaliya ee dadka goboladaas ay uga bixi karaan dhibaatooyika ragaaday dadka goboladaas ee ay masúulka ka ahaayeen Maleeshiyaadka beelo aan degin goboladaas.
Beesha Biimaal waa beel uu dhaqan deris wanaag iyo walaaltinimo ay ku wada dhaqmayeen dhamaan beelah dega Jobooyinka gaar ahaan beel weynta Daarood, oo uu ka dhexeeyo xiriir dhaqan soo jireen ah, waxaana madasha shirka Kismaayo haatan ku sugan ergo ka socota beesha oo u maleysa shirka, waxaana diyaar u nahay in aan sameyno wax walba oo lagu gaarayo in uu najaxo shirkaas.
Waxaa nasiib daro ah in koox-da lagu yaqaano qaska iyo dhibaateynta dadka Soomaliyeed ee ku dhaqan gobolada koonfureed ee Soomaliyeed ee uu hormuudka u yihiin Axmed Diiriye ay wadaan maalmahan Olole ay doonayaan in ay colaado qabiileed uga huriyaan Gobolada Soomaliya iyagoo ujeedadoodu tahay in Soomaliya aysan ka bixin dhibaatada ay la daala dhaceysay 22-kii sano.
Qolyaha uu madaxda u yahay Axmed Diiriye waa kuwa dhibaatada ka waday Gobolada Jubooyinka, ee marba magacyo la baxay sida; Dooxada Jubba iyo magacyo kale, waana kuwa maalgeliya dhibaatada lagu hayo xilligan aan joogno beelaha Soomaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Shabellada Hoose.
Qolyaha Axmed Diiriye waa kuwa ay ka degi la’dahay Soomaliya ee hadalo xambaarsan dhiilo colaad saxaafada la taagan har iyo been, ee doonaya in ay dib u soo noqdaan dagaalo la mid kuwii ka dhacay Soomaliya 1991,laakiin inta badan ummadda Soomaliyeed waa ay ka warqabaan dhagarahooda.
Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta Beesha Biimaal waxa ay ku qanacsan yihiin in shirka Kismaayo uu ka soo bixi doona Maamul goboleed ay u dhan yihiin dadka goboladaas oo noqo doonta Dowlad goboleedkii labaad ee si buuxda u soo buuxisa shuruudaha uu dastuurka Soomaliya u qeexan Dowlad goboleedyada kuwaas oo uu horay u buuxiyay maamul goboleedka Puntland.
Ugaas Maxamuud Cali Yare
Ugaaska guud ee beesha Biimaal ee jubooyinka
Source