Gaashaamo(Qaranews)-War naga soo gaadhaya degmada Gaashaamo ee degaanka ismaamulka soomaalida Kililka 5-aad ayaa sheegaya in laba qof ku dhinteen laba kalena ku dhaawacmeen gaadhi Toyota Landcruiser ah oo siday qaad isagana gooshi jirey Gaashaamo iyo Danood,marayeyna meel u dhow tuulada Lebiyada oo 80 Km Koonfur kaga beegan Gaashaamo, kadib markay rasaaseeyeen shufto ka tirsan ururka argagixisada ONLF.
Dhacdadan foosha xun oo dhacday shalay(Isniin),waxa labadii marxuum lagu aasay degmada Gaashaamo,halka labadii dhaawaca ahaana loo soo gudbiyey dhinaca burco,iyadoo lagu daweynayo cibitaalka guud ee Burco.
Ilaa iyo hadda lama oga ujeedada dhabta ah ee ka dambeysay xasuuqa dadkaas shicibka ah ee aan waxba galabsan loo geystey, balse waxa loo aanaynayaa in loo laayey inay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Soomaaliland.
Ma aha markii ugu horeysey ee ururkan argagixisada ah ee ONLF uu falal waxashnimo ah oo islaamnimada iyo soomaalinimada ka fog uu kula kaco shacbiga degaanka,balse dhowrkii sano ee u dambeeyey wuxuu dil,dhac,kufsi iyo gubid hanti u geystay kumanyaal shacbi ah oo aan waxa galabsan, oo degaanka kasoo jeeda.
Shir degdeg ah oo ay isugu yimadeen qurbojooga degaanka Gaashaamo ayaa lagu lafa guray hindise ah sidii loo sameyn lahaa ciidan gaar ah oo ugaadhsada ciddii lagu tuhmo inay ka mid tahay ururkaas argagixisada ah ee falal axmaqnimo ah raba inay ka fuliyaan degaanka. Waxa soo yaraanaya dulqaadkii dadka degaanka oo aan intaas in ka badan u sii dulqaadan doonin falalkaas waxashnimada ah ee shuftada argagixisada ONLF kula kacayaan shacabka degaanka.
Qarannews desk
Somaliland websites never cease to amaze .. always perpetrating and fabricating fake lies inorder to discredit ONLF and depict them as the Villain..in June 30/6/09, SomalilandPress site disgustingly misinformed readers when it published baseless allegations that ONLF fighters killed civilian traders from Hargeisa which was later turned out to be another fabricated story...
Anyone with an ounce of intelligence understands ONLF will never carry out "dil,dhac,kufsi ". The ONLF consist of heroic men and women who are willing to put themselves in harms way to promote rights and liberties denied to their people. It doesn't make sense to rape, kill, or harm individuals u sacrificed so much for ( all Somalis living in Ogaden)
Burco_Media i suggest you investigate before posting Preposterous allegations against the noble men and women of ONLF, i will not allow you to attack the dignity of men and women who put their lives on the front line so others can succeed,exist in a sound society and enjoy the freedom you and I take for granted live..You've illustrated to be unintelligent individual that is blindly by clannism..in the future refrain from fabricate lies to support a fallacious allegations u pulled out of ur arse.