Dagaal xoogan oo ka dhacay Yocaale oo ka tirsan gobalka Jarar si xuna loogu jabiyay ciidanka gumaysiga Itoobiya.
Ogadeniya (Awaare.net) Wararka naga soo gaadhay waddanka Ogaadeenya ayaa sheegay dagaal xoogan oo maanta ka dhacay Magaalada Yocaale oo ka tirsan gobalka Jarar, Warar hordhac oo maanta soo gaadhay Qorahay Online ayaa sheegay in ay Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ku qadeen weerar qorshaysan ciidanka Itoobiya oo daganaa Yocaale waxayna wararku intaas ku daraan in ay gabi ahaanba Jabhddu la wareegtay goobtii ay weererka qorshaysan ku qaaday kuna laysay ciidan badan oo Itoobiyaan ah.
Warar aanu ka helayno dad shacab ah oo goobta joogay ayaa noo xaqiijiyay in ay Jabhddu ka baxday gobtii markii uu Allaah gushaas siiyay waxaana halkii yimid ciidan gurmad ah oo ka soo baxay magaalada Awaare kuwaas oo dadkii ku qasbay in ay asaan maydadka askartii wayaana ee maydkodii dadsanaa tuuladda Yocaale.
Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa kordhiyay dagaalkii ay kula jireen askarta Itoobiya waxayna Jabhaddu sheegtay in ay kor u qadeen oo ay kordhiyeen dagaalka ay ka wadaan Ogaadeenya oo ah dagaal lagu xoraynaya waddanka Ogaadeenya.
Si kastaba ha ahaatee waxaa guulaha jabhadda laga dareemayaa dhamaan Ogaadeenya & dunida dacalaheeda, wuxuu ka soo kordha dagaaladan cusun kala soco Warbaahinta Qorahay Online oo looga bartay in uu idiin soo bandhiga dhacdooyinkii ugu dambeeyay.
Xigasho Qorahay Online