Jan 14, 2012 (QOL) War deg deg ah oo naga soo gaadhay Ogaadeenya ayaa dheegaya in ay kala cararayaan dhamaan Maamul ku sheega Abdi Ilay (Abdi Ubo) kuwaas oo la sheegayo in qaarkamid ah ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya halka kuwo kalena ay wayaanuhu ka soo qabteen xadka Ogaadeenya & Soomaaliya.
Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Qorahay Media uga soo warama magaalada JigJiga wariye Shukri Buli ayaa sheegaya saraakiisha la shaqeeya Abdi Ubo ayaa bilaabay in ay ka baxsadaan Ogaadeenya waxaana sida uu wariyuhu sheegay 2 sarkaag oo kala ah Abdullahi Mohamed Macalin oo loo yaqaano (Abdullahi Ogaden) isla markaana ay Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya gacanta ku dhigeen sidoo kale Ninka lagu magacaabo Abdi Bade oo ahaa jiray madaxa Jeelaha ku yaala Ogaadeenya ee dadka lagu ciqaabo wuxuuna u qaabilsanaa ciqaabta maxaabiista sida jidhdil & dhibaatooyin badan u gaystay dad badan oo aan waxba galabsanin waxaana la sheegaya in laga soo qabtay xuduuda Ogaadeenya & Soomaaliya waxayna ciidamada Wayaanuhu ku xidheen magaalada Danood oo uu ku xidhan yahay.
Shukri Buli
Qorahay Media
JigJiga, Ogadenya.
qorahay99@yahoo.com