


[img]http://i49.tinypic.com/i3guhu.jpg[/img
Buhoodle,(lasanod Online)- Waxaa caawa soo gaadhay magaalada Buuhoodle oo si aad u diiran loogu soo dhoweeyey Isimadii SSC ee kasoo kicitimay dhanka Buurawadal.
Isimadan oo kala ah, Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad Cali Buraale iyo Ugaas Faarax Dheere ayaa waxaa soo dhoweyntoodii ka qayb qaatay dadweyne aad u tiro badan.
Dadkii soo dhoweeyey Isimada waxaa horkacayey Hogaanka SSC, Saleebaan Xaglotoosiye iyo ku xigeenkiisa Cali Sabarey.
Isimada ayaa hadalo ka jeediyey goobtaas ay ugu mahadnaqeen shacabka reer Buhoodle, Iyagoo ka warbiixyey xaaalda degaanka SSC iyo ulajeedada socdaalkooda.
Shabakadda LASANOD ayaa dhowaan idiinsoo gudbin doonta Khudbadihii Isimada iyo warbixin soo dhoweyntan, la socda.
    
    
    









