Moderators: Moderators, Junior Moderators
Waxaa in mudo ah ka socday magaalada dhilaalo oo hilaadii dhanka waqooyi kasaaran magaalada Buuhoodle isla markaana ujirta illaa iyo dhowr iyo labaatan KM ayaa waxaa si rasmi ah xadhiga looga jaray School ay in mudo ah ka wadeen Jaaliyada kasoo jeeda deegaankiisi.
xafladaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay dadweyne aad u farabadan oo isugu odayaal iyo culumaa udiin iyo waxgaradkale oo ka yimi magaalada buuhoodle,waxaa kale oo kasoo qaybgalay wefti kasocota khaatumo state of Somalia oo uu ka midyahay Agaasima wasaarada arimaha bulshada MR Xasan.
magaaladan ayaa caruurta ku nooli ay in mudo ah wax ku baranaysay geedaha hoostooda taas oo keliftay in ay jaaliyada ku nool wadanka debadiisa ee kasoo jeeda magaaladaasi ay isu xilqaameen sidii ay ugu dhisi lahaayeen school ay wax ky bartaan ilmahaan.
waxaa wax lagu farxo oo illaahay loogu mahadnaqo ah in uu si wanaagsan u dhamaaday oo lagu guulaystay ,schoolkaa waxaan u mahad naqaynaa hadaanu nahay gudidii ka soo shaqaysay in uu iskuulkaani hawlgalo dhamaan dadkii ka qayb qaatay dhismaha schoolkaan,haday yihiin kuwii dhaqaalahooda u huray ee ku bixiyey iyo hadii ay yihiin kuwii wakhtigooda iyo xoogoodaba ku bixiyey intaba in illaahay ajar iyo xasanaad fiican kasiiyo.
waa wax lagu farxo oo wanaagsan in siweyn looga hawlgalo sidii loo horamarinlahaa dhamaan deegaanada aan ku noolahay ee khaatumo in laga hirgeliyo mashaariicdaa schoolada iyo caafimaadkaba iyadoo laysku tashanayo.
C/Rashiid Galbeedi.
Users browsing this forum: No registered users and 1 guest