Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

1 Soomaalidiid Brigade was completely wiped out in Kalshaale

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

1 Soomaalidiid Brigade was completely wiped out in Kalshaale

Postby udun » Sat Feb 12, 2011 9:45 am

kulamo is daba joog ah oo maalmihii la soo dhaafay ka soconayey magaaladda Hargeysa oo lagaga hadlaayey xaaladda ay waqtigan ku sugan tahay iyo dagaaladda Kalshaale ka socda waxa lays dhinac dhinac dhigay dhawr arimood oo ay ka mid yihiin hoosu dhaca ciidanka awoodiisa oo liicday iyo Puntland oo haatan soo doob yaysa, reer Buuhoodle oo awooda ciidanka Fashiliyey iyo arimo badan oo kale.

Wasiirka war faafinta Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ii cadeeyey inay go aansadeen in ciidamadooda ay Kalshaale ka saaraan oo ay u wareejinaayiin dhinaca Laascaanood waxana uu goor danbe ii sheegay markaan siyaalo kala duwan wax uga weydiiyey in waqtigan ciidankoodu aanu qaybsami karayn.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegay in dhibaato xoog badan oo raadkeeda uu kaga tegey dagaalkii Kalshaale ayaa la cadaynayaa inciidanka ay soo food saartay, waxaana ka mid ah Guutadii ugu xooga badnayd ciidanka Somaliland oo lagu magcaabi jirey 17aad ayaa guud ahaan meesha ka baxday waxana ay noqotay wax dhintay, wax dhaawac ah iyo wax la waayey.

Dhinaca kale ciidamadii ka soo jeedey galbeedka ayaa markii uu meesha ka baxay maamulkii Riyaale iyaguna sameeyey mucaarad kaasi oo si midhmidh ah iyo kooxkooxba u guurey oo iyaguna jabhad degaan ka sameeyey buuraleyda Itopia ee gobolka Awdal saaran taasi oo awoodii ciidan 30% lumisay.

waxaase maasha ku jirta oo aan la ilaabi karin cududa ciidan iyo tan hubeed ee Buuhoodle taala oo noqotay mid aad u awood badan taasi oo keentay inaaan la holin karin.

Source: radiolaascaanood1.com

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: 1 Soomaalidiid Brigade was completely wiped out in Kalsh

Postby The_Emperior5 » Sat Feb 12, 2011 10:36 am

There are about 700 troops in the south easter part of togdheer district and only 5 Soldiers were killed and 30 wounded.
if they were wiped out atleast 695 would've been killed :lol: :lol: websityadina wax ka ben badan waligay maan arkin..
Last edited by The_Emperior5 on Sat Feb 12, 2011 10:44 am, edited 1 time in total.

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30666
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: 1 Soomaalidiid Brigade was completely wiped out in Kalsh

Postby grandpakhalif » Sat Feb 12, 2011 10:39 am

Guul Mujahideen :D

User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: 1 Soomaalidiid Brigade was completely wiped out in Kalsh

Postby udun » Sat Feb 12, 2011 6:37 pm

There are about 700 troops in the south easter part of togdheer district and only 5 Soldiers were killed and 30 wounded.
if they were wiped out atleast 695 would've been killed :lol: :lol: websityadina wax ka ben badan waligay maan arkin..

If that is teh case, how come your horjooge Siilaanyo was asking all Isaaqs men and women to join the fight? :lol: :lol:

User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: 1 Soomaalidiid Brigade was completely wiped out in Kalsh

Postby KyrieJama » Sat Feb 12, 2011 6:42 pm

There are about 700 troops in the south easter part of togdheer district and only 5 Soldiers were killed and 30 wounded.
if they were wiped out atleast 695 would've been killed :lol: :lol: websityadina wax ka ben badan waligay maan arkin..

If that is teh case, how come your horjooge Siilaanyo was asking all Isaaqs men and women to join the fight? :lol: :lol:
and children and elderly :lol:

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: 1 Soomaalidiid Brigade was completely wiped out in Kalsh

Postby The_Emperior5 » Sat Feb 12, 2011 6:51 pm

There are about 700 troops in the south easter part of togdheer district and only 5 Soldiers were killed and 30 wounded.
if they were wiped out atleast 695 would've been killed :lol: :lol: websityadina wax ka ben badan waligay maan arkin..

If that is teh case, how come your horjooge Siilaanyo was asking all Isaaqs men and women to join the fight? :lol: :lol:
Mujaheed siilaanyo said waxan ku kalsoonahay ciidanka qaranka somaliland inay cadaw kasta iska caabinayaan ,, shacabow idinkuna Dalkina difaaacda af iyo adin dee dalkina waad ku difaaci kartin ama xoolo bixi for ciidanka qaranka maha oo kaliya inay shacabku qorya qataan thats not how we work ,, udun

User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: 1 Soomaalidiid Brigade was completely wiped out in Kalsh

Postby EastAfrica » Sat Feb 12, 2011 7:08 pm

Somalidiid Website admit that SNM Clan Malitia was defeated in Kalshaale[/b]


Maleeshiyada Qabyaalada Somalidiidka Oo Dhegta Dhiiga Loo Daray Iyo Cadami Iyo Taani Oo Been Ka Sheegay Dagaalkaasi



Ciidmada Qaranka Oo Dhegta Dhiiga Loo Daray Iyo Cadami Iyo Taani Oo Been Ka Sheegay Dagaalkaasi


Written by Qaran news
Feb 07, 2011 at 11:09 AM
Hargiesa,(Qaran news) Dhirbaaxadii ugu weynayd ee soo gaadha ciidamada qaranka ee ku sugnaa aaga Kalshaale ayaa saaka ku habsatay ciidmadaasi iyada oo ciidamada soo weeraray ciidanka qaranka oo ku hubaysnaa hubabka noocyadooda kala gadisan oo laga keenay maamul goboleedka Somaliya ee Puntland, ayaa saaka ciidanka qaranka lagaga soo weeraray sadex jiho oo kala gadisan kuwaasi oo ciidanka oo iska baraad laa huwiyay sadex weerar oo ay adeegsanyeen hub aad u faro badan oo waaweyn. Dhirbaaxdani ku dhacday ciidanka qaranka ayaa taliyah ciidanku uu ku sheegay in ciidankiisa laga dilay Afar askari, sidoo kale wasiirka gaashaandhiga ayaa sheegay, inay iyagu guulaysteen isla markaasina aanu wax khasaare ahi aanu soo gaadhin ciidnaka qaranka, oo uu ku nuux nuuxsaday in aan hal askari laga dilin, hase ahaatee waxa shabakada qaran news loo xaqiijiyay oo aanu soo ogaanay in ciidanka qaranka laga dilay sideed askari dhaawacuna uu gaadhaayo 30, xubnood, sidoo kale waxa la noo xaqiijiyay in ciidanka qaranka laga qabsaday tiro aad u yar oo maxaabiis ah oo ay ku jiraan laba askari oo dhaawac ah oo midkood ka soo jeedo gobolka Saaxil, ma jiraan wax baabuur ah oo maanta laga qabsaday ciidanka qaranka sida la noo xaqiijiyay, hase ahaatee waxa jira baabuur tikniko ah oo dhaawac uu soo gaadhay kaasi oo ay ciidanka qaranku soo jiiteen markii ay dagaaladu istaageen. Ilaa galabta waxa gobolada galbeedka laga daabulaayay ciidamo iyo saanad iyo hubabka noocyadooda kala gadisan iyada oo aaga Sheekh laga dhaqaajiyay ciidankii ugu laxaadka badnaa laguna xoojinaayo ciidanka Kalshaale oo ciidamada soo weeraray ayna aad uga dheerayn xaga ay fadhiisinka ka dhigteen, dhirbaaxadan maanta gaadhay ciidanka qaranku waxa ay noqon doontaa mid ay cashar ku qaataan.

Ciidankan ka tirsan ciidmada qaranka ayaa goobtaasi saaka lagy soo weeraray u joogay kala dhex galka laba beelood oo deegaankaasi hore ugu dagaalamay,ciidanku marna ma'ay filanynin in weerar noocan ah lagu soo qaadi doono iyaga oo goobtaasi loo geeyay in ay soo celiyaan kala danbayntii iyo nabadgalyadii hore aagaasi uga jiri jirttay.

Dhanka kale waxa jira jidgoyn ay maanta ay dhalinyaro hubaysani ay ku qaadeen baabuur ay lahaayeen ciidanka qaranka iyaga oo maraaya aaga Gambadhe, halkaasi wax khasaare ahi labada dhinac midkoodna ma soo gaadhin dhalinyradiina way yaacday markii la is rasaaseeyay.

Sida ay doontaba ha ahaatee khasaarahan maanta soo gaadhay ciidanka qaranka waxa khasaaraha ka yimid dusha u ridan doona taliyaha ciidanka qaranka Nuux Taani oo aan marnba ka sii diyaar garoobin ciidanka iyo hubka laxaadaleh ee ka imanaayay baryahanba maamul gobleedka Putland ee soo gaadhaayay magaalada Buuhoodle, kuwaasi oo la sheegaayo in ciidamada sirdoonku ay baryahnba ay ku wargalinayeen xukumada siiba gashaandhiga, sidii looga diyaar garoobi lahaa hubkaasi faraha badan ee gobolka soo galaaya ee ka imnaaya xaga Puntland, Mr Nuux Taani ayaa ah shaqsiga labaad ee ugu awooda badan wasaarada gashaandhiga marka laga reebo wasiirka gashaandhiga oo aan wax khibrad ah u lahayn arimaha gaashaandhiga iyo difaaca toona, isga oo xiligii jagadaasi loo magacaabayna sheegay in aanu waligii xabad ridin, hase ahaatee uu shaqadiisa uu gudan doono, hase ahaatee dadweynaha reer Somaliland ayaa aad maanta uga cadhooday weeraradani soo noq noqonaaya iyada oo ay xukumada ku dhaliilayaan in ayna talaabo cad ka qaadan ciidamadan qaranka ee maalin walba la soo weeraraayo.

La soco warar faah faahsan oo ku saabsan arimahaasi iyo wararka dagaaladani oo aanu sii dayn doono magacyada maxaabiista la haysto, anaga oo helnay magacyada qaar waxa aanu ku guda jirnaa dhamaystirkooda iyo xaga ay ka soo kala jeedaan.

Last Updated ( Feb 07, 2011 at 11:48 AM )

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: 1 Soomaalidiid Brigade was completely wiped out in Kalsh

Postby Siciid85 » Sat Feb 12, 2011 9:10 pm

This is what the same website you are running around posted. So do you also believe this?


Buhoodle Oo Xalay Fiidkii Lagu Aasay 16 Ka Mid Ahaa Maleeshiyadii Soo Weerartay Ciidanka Qaranka.



Written by Qaran news
Feb 08, 2011 at 11:19 AM
Buhoodle Oo Xalay Fiidkii Lagu Aasay 16 Ka Mid Ahaa Maleeshiyadii Soo Weerartay Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo Kooxo Ka Tirsan Al-Shabaab, ONLF & Ciidamada Puntland Oo Ka Qayb Galay Dagaalka
Hargeysa,(Qaran news) - Waxa magaalada Buhoodla Xalay Fiidkii lagu Aasay 16 qof oo ka mid ahaa Maleeshiyadii soo weesrartay Ciidamada Qaranka Somaliland shalay subax, iyadoo la sheegay inay ka soo qaybgaleen weerarkaasi kooxo ka tirsan Al-shabaab, ONLF iyo Ciidamo ka tirsan Puntland.

Dagaalkan oo ku bilaabmay weerar gaadmo ah oo Maleeshiyada Buhoodle ay shalay subax ku soo qaadeen ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay deegaanada Maygaagle, Hagoogane iyo Kalshaale ee aaga deegaanada Buhoodle ayaa waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo labada dhinac soo gaadhay, waxaana la xaqiijiyey in dhinaca Ciidamada Qaranka Somaliland ay kaga dhinteen 4 Askari, halka ay 12 Askarina ay kaga dhaawacmeen, 2 kalena la layahay.

Maleeshiyada Buhoodle ayaa la sheegay in dhinacooda ay dagaalkaasi kaga dhinteen 16 qof, 24 kalena ay kaga dhaawacmeen, 14 kalena Maxaabiis ahaan looga qabtay.

Dagaalkan oo ka dhacay Deegaanada Maygaagle, Hagoogane iyo Kalshaale oo ay Maleeshiyada Nabad-diidka Buhoodle ay Ciidamada Qaranku Eryadeen ilaa duleedka Buhoodle ayaa ilo wareedyadu intaa ku dareen in Maleeshiyo ka tiran Puntland ay dagaal kale oo weerar ah ku soo qaadeen Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay Jiida Gambadha ee xadka Tuka-raq ee gobolka Sool, halkaas oo la sheegay in ciidamadu iska Caabiyeen Maleeshiyadii soo weerartay.

"6:30-kii subaxnimo ayaa ciidamo faro badan oo PM-yo, Madaafiic iyo Taangiyo wata ayaa na soo weeraray waana niman Somaliland diid ah, waxaanay wateen Al-Shabaab iyo dad kale oo noocyo badan, dagaalkuna shan sacadood buu socday, afar Askari wey naga dhinteen 12-na wey dhaawacmeen, afar iyo toban Maxbuus waanu ka haynaa, markii aanu eryanay ee Buuhoodle gudaheeda ay galeena waanu ka soo noqonay, nabad diidku waa kuwa sheegtay SSC ee Buuhoodle jooga, haday nimankaasi dadku iska saari waayaan dhibaatadeedu wey badan doontaa, dad shicib ahi Taangiyo iyo Atalari ma wataan, raga hubka ku dagaalamaya waa la garanayaa cida ay yihiin."

Sidaasi waxa yidhi Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani Oo La hadlayey Warbaahinta.

Dhinaca kale Chief Caaqil Maxamuud Cumar Camay oo ka mid ah isimada reer Buuhoodle oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay xalay isaga oo jooga Buuhoodle, ayaa Wargeyska Haatuf u xaqiijiyey, isla markaana qiray in Dagaalkaasi Maleeshiyadooda Buhoodle ay kaga dhinteen 13 qof, kagana dhaawacmeen 24 qof, halka dhamaantoodna la keenay magaalada Buhoodle, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi "Labada dhinacba dhimashadu way badan tahay, xaga Buuhoodle waxa la keenay 13 Meyd ah iyo labaatameeye dhaawac ah, dagaalku wali ma joogsane casarkiibaa la kala nastay, dagaalku waxa uu ka dhacay gudaha Hagoogane ee Ciidanka Qaranku fadhiyey, PM lama ridin ee ciidanka qaranka ayaa iyagu hub kasta nagu riday, markii dambe ayaa iyagana lagu riday Madaafiic, laakiin qori PM ah oo lagu riday ma jiro, meel lagu ridaba ma hayno, SSC ma jirtee cida dagaalamaysaa waa Dhulbahante, arintuna Habar-Jeclo iyo Dhulbahante ayuun bay taagan tahay, dagaalkan sida loogu talo galay sanad buu socanayaa mana qabo inuu joogsanayo"

Dhinaca kale ilo aanu ka helay deegaanka Buhoodle ayaa noo xaqiijiyey in dagaalkaasi ay Maleeshiyada Nabad-diidka Buhoodle ay soo qaaday uu ka mid ahaa saraakiishii hogaaminayey Abokor Sulub Dhabdhable oo ahaa muddo Dheer Taliyihii hore ee Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland oo la sheegay inuu ka dhex muuqday isaga iyo dirawalkiisii oo lagu magacaabo Cismaan Caato.

User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: 1 Soomaalidiid Brigade was completely wiped out in Kalsh

Postby Babygirl- » Sat Feb 12, 2011 10:43 pm

If that is teh case, how come your horjooge Siilaanyo was asking all Isaaqs men and women to join the fight? :lol: :lol:
and children and elderly :lol:

:lol: :lol: :lol:

siren
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7879
Joined: Fri Nov 28, 2003 7:00 pm
Location: PREPARE- D-DAY IS COMING!

Re: 1 Soomaalidiid Brigade was completely wiped out in Kalsh

Postby siren » Sat Feb 12, 2011 10:54 pm

If that is teh case, how come your horjooge Siilaanyo was asking all Isaaqs men and women to join the fight? :lol: :lol:
and children and elderly :lol:

:lol: :lol: :lol:
:lol: :lol:

samadoon-waaxid
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4228
Joined: Tue Feb 10, 2009 9:48 pm
Location: telling Siilaanyo's daughter ictiraaf bed time stories

Re: 1 Soomaalidiid Brigade was completely wiped out in Kalsh

Postby samadoon-waaxid » Sat Feb 12, 2011 11:12 pm

siilaanyo is way softer than I thought,from now on his name is siilyaayo :up:

User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: 1 Soomaalidiid Brigade was completely wiped out in Kalsh

Postby ToughGong » Sat Feb 12, 2011 11:14 pm

Comicam udun

Image


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests