Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Tacsi Reer- Cali Shire.

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
HaragWafi85
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1838
Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
Location: Somaliland.

Re: Tacsi Reer- Cali Shire.

Postby HaragWafi85 » Mon Dec 12, 2011 8:36 pm

Cumar-Labasuul anigu waxan la yaabay uun daadkan raba inay been qawaan indhaha ka saran. :shock: Do they think we are clueless of what happens in backhome. But i leave this thread for Tacsi.

Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Tacsi Reer- Cali Shire.

Postby Cumar-Labasuul » Mon Dec 12, 2011 8:38 pm

But i leave this thread for Tacsi.
ok indr :up:

User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Tacsi Reer- Cali Shire.

Postby Babygirl- » Mon Dec 12, 2011 8:43 pm

virus detected an Idoor website..

Weerar Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Degmada Taleex
Published By Webmaster On Monday, December 12th 2011. Under News

Wararkii ugu dambeeyey ee hadda naga soo gaadhay Degmada taleex ayaa ku soo Waramaya in ay Xaaladdu Cakiran tahay kaddib Markii Galabta uu Degmada Taleex Dagaal ka Dhacay, Dagaalkaas oo lagu diley Ganacsade Jaamac Cali Shire iyo Mubaarik Cali Shire, Waxa kale oo Dagaalkaas ku dhaawacmay ugu yaraan 8 Qof oo kale, oo Saddex ka mid ahina ay ahaayeen kuwii Weerarka soo Qaaday. Dilkani ayaa Waxa Loo aanaynayaa in uu daba Socdey oo ay ka Geysteen Guda Degmada Taleex Rag dhawaantan Xabsiga Magaalada Garowe laga Siidaayey oo lagu Qab Qabtay Degmada Taleex Agagaarkeeda oo ka Tirsanaa Maamulka Somaliland. Dadka Waxyeeladu ka soo gaadhey shilkaas ayaa la Geeyey Magaalada Garoowe iyadoo xidhiidh aanu la samaynay dad goob joogayaal ah ay Noo Xaqiijiyeen dhimashada laba Qof oo isku Qoys ah kuwaas Oo kala ahaa, Ganacsade Jaamac Cali Shire iyo Mubaarik Salaax Cali Shire. Laba qof ayaa dhintay 8 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii koox dabley ahi ay rasaas ku fureen gaadhi ay wateen duleedka degmada Taleex ee gobolka Sool. Kooxdan dableyda ah ayaa sida ay noo sheegeen dad ku sugan degmada Taleex in ay ka mid ahaayeen dhalliyaro dhawaan laga sii daayey xabsiga Garoowe kuwaas oo ka mid ahaa koox saraakiil ah oo 10/08/2011 Maleeshiyo Reer Puntland ahi ay ku qab qabteen iyaga oo ku sii jeedey degmada Taleex. Labada Nin ee dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Jaamac Cali Shire oo ay wallaalo yihiin Madxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland iyo wiil wallaalkii dhalay waxaana maqribkii la geeyey magaaladda Garoowe. Weriye Jaamac maxamed Nuur Jeele oo ka mid ahaa dadka falkaasi ku dhaawacmay ayaa sheegay in uu arkayey oo keliya rasaas ku socota duleedka degmada Taleex waxana uu intaas raaciyey in ay u socdeen hawlo NGO ah oo uu lahaa marxuunka dhintay kana fuliyey degmada Taleex. Qaar ka mid ah waxgaradka degmadaas ayaa sheegaya in falkani uu ahaa mid aad u xun haddana la abaabulayo dadkii falkaasi geystey sidii loo soo qaban lahaa ilaa haddana ma jirto war rasmi ah oo laga hayo meel ay ku sugan yihiin iyo wax soo gaadhey. Falkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay maalmo ka dhinaayeen shir beeleed meelo kala duwan laysaga imaanayey oo ka dhici lahaa 19 bishan degmada Taleex. Dad badan ayaa iyaga ay walaac ku keentay Xaaladda ammaan darro ee deegaamadaa ka Jirta.

wixii war ah ee ka soo kordha la soco Goordhaw



Burcoonline.com Claiming Somaliland militias were behind it.

CIIDAMADA QARANKA IYO DADKA DEGAANKA DEGMADA TALEEX OO LA
WAREEGAY MAGAALADAASI MARKI SHALAY WEERAR KAGA YIMI
XAGAAS IYO MAAMULKA PUNTLAND..
Monday December 12, 2011
Iyado Shalay weerar ay soo Qaaden Ciidamo Ka Aamar
Qaata Madaxweynahe Kuxigeenka Maamulka Puntland aya
waxey shalay soo weerareen Degmada Taleex Halkaas oo
ay iska Caabin Xoogan
Taleex (BurcoOnline) 12.12.2011 Iyado Shalay
weerar ay soo Qaaden Ciidamo Ka Aamar Qaata
Madaxweynahe Kuxigeenka Maamulka Puntland aya waxey shalay soo weerareen Degmada
Taleex Halkaas oo ay iska Caabin Xoogan Kala Kulmeen Dadki Degaankaas uu Dhashay,
Marki Dambena ay Yimaaden Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Qaranka ee Jiida Hore, Halkaas
oo Ku Kala Firdhadeen Maleeshiyadi soo Duushay Iyago Dib ugu Noqday Xagaas Iyo
Garowe oo laga soo Diray Marki Hore ba....
Waxa Xaalado Maanta Degantahay Marki Shalay Halkaasi isko Horimaad ku dhex Maray
Dadka degaanka iyo Maamulka Puntland, iyado Maanta ay Halkaasi ku suganyahiin
Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.
Maaha Marki uu Horeysay ee Maamulka Puntland weerar ku soo qaado Degaankan taleex
iyago Hore uga Af duubay Ragg Masuuliiyin ah oo uu Shaqeeya Dowlada Somaliland iyago
Muddo Ku Xidhna Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Garowe.
Waxa Iyana Isla Maanta Digniin Ka soo Yeedhay Garaadada Beesha Degaanka Taleex ay
ugu Dirayaan Maamulka Puntland inay faraha kala Baxaan degaanada Somaliland iyago
sheegay haddi ay Mar dambe ku soo Xad Gudbaan Sharciga Xuduuda Dalalka Uu Yaala
inay Fasax Ku siin Doonan Ciidamada Qarannka ee Jamhuuriyada Somaliland inay Garowe
Galaan...

Hatuuf online talking about the same incident when SL miltias were arrested..

Dablay Duulaan Ah Oo Uu Soo Diray Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Laba Qof Shalay Lagaga Dilay Deegaanka Taleex

Labada Qof Ee Laga Dilay Dablayda Garowe Ayaa La Sheegay Inuu Ka Mid Yahay Jaamac Cali Shire Oo Ay Walaalo Yihiin Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland

Hargeysa, December 12, 2011 (Haatuf) – Dablay duulaan ah oo uu soo diray Madaxwayne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland C/samad Cali Shire oo watay hal baabuur oo Tikniko ah ayaa shalay weerar ku soo qaaday degmadda Taleex ee gobolka Sool, halkaas oo la sheegay in iska hor imaad dhexmaray dadka deegaanka iyo Maleeshiyada ka soo duushay Garoowe lagaga dilay 2 ka tirsanaa maleeshiyadaas duulaanka ahayd oo la sheegay inuu ka mid yahay Jaamac Cali Shire oo ay Walaalo yihiin Madaxweyne ku xigeenka Puntland, isla markaana lagaga dhaawacay saddex qof oo kale.

Maleeshiyadan uu soo abaabulay Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire oo aan la garanayn ujeedada ay u socdeen ayaa shalay galab Magaalada Taleex ay dadwaynaha deegaankasi markii ay soo galeen gudaha Magaalada ay kala hortageen Iska caabin xoog leh oo ay kaga soo horjeedaan faragalinta uu Maamulka Garoowe ku hayo deegaankaasi.

Dad ku sugan Magaaladda Taleex ayaa xalay Wargayska Haatuf u sheegay in Maleeshiyadaasi markii ay dhirbaaxada kulul kala kulmeen dadka deegaanka ay u firxadeen dhinaca Magaalada Garoowe ee laga soo diray, isla markaana dadka deegaanka ayaan la sheegin khasaaraha ka soo gaadhay iska caabinta ay kala hortageen maleeshiyadaasi kaga soo duushay Puntland.

Dhinaca kale horaantii bishii July ee sanadkan ayey ahayd markii Maleeshiyo ka soo duushay Garoowe oo uu soo abaabulay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire ay jidgooyo u galeen wafti uu hogaaminayey Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka tirsan aqalka wakiiladda Somaliland, kuwaas oo ay Maleeshiyadaasi meel u dhaxaysa Laascaanood iyo Taleex ay ku qafaasheen afar gaadhi oo waftigaas ka mid ah, halka ay dileen Guddoomiyihii waxbarashada gobolka Sool, markii danbana u kaxaystay gaadiidkii iyo dadkii ay qafaasheen dhinaca Garoowe, isla markaana bishan horaanteedii sii daayey.

User avatar
Barkhadd
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 993
Joined: Wed Dec 01, 2010 6:05 am
Location: be good

Re: Tacsi Reer- Cali Shire.

Postby Barkhadd » Mon Dec 12, 2011 9:07 pm

Kalaayilamuran.com
Your website does not even exist. :lol:

I am getting "server not found" message :lol:

The usual dhulbahante websites are NOT blaming pro somaliland militia for what happened in Taleex recently

Otherwise you would have quoted from any of them


I read the news last weekend and pro-Puntland websites like Taleex.net blamed Galayr ayaa ka dnbeeyay

and pro-ssc sites blamed Faroole militia ayaa ka danbeeysay

User avatar
Barkhadd
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 993
Joined: Wed Dec 01, 2010 6:05 am
Location: be good

Re: Tacsi Reer- Cali Shire.

Postby Barkhadd » Mon Dec 12, 2011 9:10 pm

SL militias that were arrested are to be blamed.

Caqiil ka Guud ee Taleex., Ismaciil mahamed kooreye..



Saciid stop arguing about waax aad waax ka ogeyn, inta laso qaabto suurka weliba laagi jaari, this is not the Zoomaliland section Nor one of your Daarood this or IDoor are Not Dir topics. :idea:
The above audio is not working either "buferring" :lol:

Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Tacsi Reer- Cali Shire.

Postby Cumar-Labasuul » Mon Dec 12, 2011 9:11 pm

Kalaayilamuran.com
Your website does not even exist. :lol:

I am getting "server not found" message :lol:
Image

User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Tacsi Reer- Cali Shire.

Postby Babygirl- » Mon Dec 12, 2011 9:16 pm

Kalaayilamuran.com
Your website does not even exist. :lol:

I am getting "server not found" message :lol:
Image
:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:

User avatar
Faant
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 585
Joined: Wed Dec 07, 2011 3:11 pm
Location: SSC!

Re: Tacsi Reer- Cali Shire.

Postby Faant » Mon Dec 12, 2011 9:19 pm

[quote="Barkhadd


Your website does not even exist. :lol:

I am getting "server not found" message :lol:
[img]http://www.threadbombing.com/data/media ... o1_500.gif[/img
:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:

:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:

Pwani
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 677
Joined: Tue Feb 22, 2011 4:11 am
Location: Take ur somalia and shove it up in ur black ass, im puntlander first mkenya second......
Contact:

Re: Tacsi Reer- Cali Shire.

Postby Pwani » Tue Dec 13, 2011 12:47 am

AUN this just bad i hope re talex solve this

User avatar
Mondey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4427
Joined: Fri Jun 17, 2011 9:44 pm
Location: We'll resist and fight again, Strangers, thats's how freemen feel in a world of slaves.

Re: Tacsi Reer- Cali Shire.

Postby Mondey » Tue Dec 13, 2011 8:14 am

AUN to the departed. Samir iyo imaan to his family

i have said it time and time before,, Somaliland is an obstacle to peace.

User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Tacsi Reer- Cali Shire.

Postby udun » Tue Dec 13, 2011 3:57 pm

Soomaalidiid-in-disguise (aka G6) has orchestrated the killings.

The question is are the G6 gonna set foot in Somalia? Again, are the Soomaalidiid-in-disguise gonna set foot in Somalia?

User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Tacsi Reer- Cali Shire.

Postby Babygirl- » Tue Dec 13, 2011 8:41 pm

Cuqaasha iyo Waxgaradka Beesha Hayaag oo Tacsi u diraya Reer Cali Shire
(Taleex. Dec 13, 2011 Ceegaag Online)

"INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
”KULU NAFSIN DAA'IQATUL MOOTI"

Anagoo ah Waxgaradka, Culumaaudiinka, Odoyaasha, Aqooyahanada beesha Hayaag ee gudo iyo dibadba waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa Reer Aw Cali Shire iyo dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen ALLA ha u naxariistee Jaamac Cali Shire iyo Mubaarak Saalax Cali Shire oo maalintii axadii ee bishu ahayd 11/12/2011 ku geeriyooday magaalada Taleex ee Gobolka Sool Waxaana ilaahay uga baryayaa Marxuumiintaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo inagana samir iyo iimaan Alle inaga siiyo AAMIIN.

Waxaa Tacsidan diraya dadkan hoos ku qoran:

Gen. Mohamed Ali Abokor

Prof. Axmed Ali Abokor

Dr. Cali Cawl Xuseen

Chief Caaqil Abdilahi Ali Abokor

Caaqil Cabdi Jaamac Gaydh

Caaqil Maxamed Cade Faarax

Caaqil Cabdi Ciise Gudiri

Caaqil Aadan Warsame Xasan

Caaqil Xasan Ciise Wacays

Caaqil Cabdilaahi Cawil Faarax

Jamaal Xaaji Cali Cilmi

Prof. C/risaaq Maxamed Aadan (Lafoole)

Cabdiriigle Xaaji Cali Cilmi

C/kariim Xasan Muuse Cawl

Eng. Hussein Fiin

Xasan Jaamac Dacay

Dr. Cabdirashiid Maxamuud Cali Saxar

Cawaale Jaamac Raygal

Cabdala Xuseen Xaaji Cali

Xasan Cali Jaamac Gaydh

Maxamed Cabdiqani Faarax

Sheekh Mohamud Abdi Jamac Gaydh

Cawil Cali Abokor

Xasan Aadan Xuseen (Guray)

C/rashiir Cumar Cali

C/dheere Cali Abokor

Cadirashiid Maxamed Cawl

Cabdixakiin Cali Abokor

Yuusuf Xuseen Xaaji Cali

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

Sidoo kale waxaa Tacsi ay u dirayaan reer Aw Cali Shire nasoo gaadhsiiyay Ururka Dhalinyarada iyo Horumarinta Ceegaag

Faarax Cade Faarax

Khadar Aaden Isxaaq

Mohamed Ahmed Ali Abokor

C/casiis Mohamed Abokor

Farxaan Cumar Gowl

Ayaanle Yuusuf Abdi

Fartuun Mohamed C/raxmaan

Syad Yuusuf Maaweel

Liibaan Fiin X. Cali

C/casiis Mohamed Cawaale

Jama Mu’min Cade

Mohamud Ahmed Ali Abokor

Cawaale Cabdi Ahmed

Bashiir C/laahi (Gaagaale)

Mohamed Timocade

Mohamud C/kariim Muuse

Abshir Ahmed Mohamed (Juujuule)

Caydaruus Aw-Faarax Geedi iyo dhamaan xubnaha Ururka Dhalinyarada iyo Horumarinta Ceegaag

http://www.ceegaag.com


Tacsi Tiiraanyaleh Waxaa diraya qorbajooga Reer faarax cali.
December 12, 2011 | Filed under: Tacsi,War cusub | Posted by: admin (online)

Inaalilaahi Wa innailayhi Raajicuun.

Anaga oo ah Dhamaan jaaliyadda Beesha faarax cali Ee ( woqooyiga Amerika & Europe).

Ugu horayn Waxaanu Tacsi Tiiraanya Leh U diraynaa Guud ahaan Reer Taleex Gaar ahaan Qoyska Reer AwCali shire Geeridii naxdinta lahayd oo ku timi.

wxaanu halkan ka muujinaynaa inaanu si qota dheer uga a xunahay Masiibadan ka dhacday Shalay duleegka Degmada Taleex oo ay ku nafwaayeen 2 wiilashayadii ah

waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu marxuumiinta u naxariisto una furo Albaabada jannatul Fardusa, eheladii iyo qaraabadiina samir iyo imaan uu ilaahay ka siiyo.

waxaanu u soo jeedinaynaa dhamaan dadka walaalaha ahEe Reer Taleex Cuqaasha,Odayaasha,Culimada,Dhalin yarada,haweenka iyo ururada bulshadaba inay arinkaan isku si u arkaan meela uga soo wada jeensadaan ugana gaadhaan Samirsiis wax ku ool ah iyo Nabad waarta

Waxanu halkan uga mahad celinaynaa Guud ahaan reer SSc Gaar ahaana Cuqaasha ,Garaadada,Odayaasha ,Ciidanka, sida deg dega ah ee toliimada ah ugu soo gurmaday masiibadan una muujiyay walaaltinimada ay u hayaan Reer Taleex.



tacsidan waxaa Diraya-

Oday Xuseen Muse Ciise(Xuseen cade)
Dr.Muse Faarax Warsame(Dhegacade)
Pro.Cumar Cali Koore
Pro.Yaasiin Ibraahim Ciise
Dr.maxamed Maxamu cali(dramaan)
Shikh Yusuf C/Raxman Warsame(ferey)
Dr. C/llahi Maxamed Muuse(Dhaake)
Dr.Ibrahim Cali koore
Oday. Maxamed Jamac Shaacuur(Qaldan)
Oday. Khaalid Adan Xirsi (loyan)
Oday. Farxaan Axmed Nur
Eng.Axmed maxamed cabdi(Xuub)
Oday. Amxed Ismaciil warsame
Eng.Cali maxamed warsame(cali xoor)
Oday. Muse cali koore
Eng.C/Qaadir Nasir maxamed(sandoon)
Oday. Farxaan jaamac cali
Eng.Faarax maxamed warsame(goobe)
Oda.y Maxmed C/Llhai Maxamed(Dgegaweyne)
Dr .Maxamed axmed ducaale(Qaylaweyne)
Eng.Sharif diiriye garabyare
Oda.y Maxamed cabdi Cali
Oda.y Axmed Xassan Cabdi(Naajji)
Oday. C/risaaq Maxamed Cali
C/salaam Maxamed Geele
C/Wali Faarax Ducaale(Jabir)
C/wali Ibraahim Ciise
Ismaaciil cabdi cali
C/raxmaan C/llaahi cali
C/Qaadir Yuusuf Mirre (Colonel)
c/risaaq Bashiir Muse
C/Fataax C/llahi diriye
Sidiq Maxamud cali
c/risaaq Yusuf Muse(Kamas)
Maxamud Cabdi Cali(Ifiso)
Ibrahim C/llahi shaywaal(Gumuc)
C/risaaq Ibrahim Cise(bacayees)
Maxammed Yasin Ibrahim
Jamac Saleeban Ismaaciil(Qaylaweyne)
C/Raxman Gani cali
C/Karim Khalif Burcun
Kayse maxamed Cali
Muxyadin cabdi Warsame
C/Qadir Adan Xirsi(Figo)
Guuleed Adan Xirsi
Xassan adan Xirsi
Shankar Adan Xirsi
C/llahi saleeban ismaaciil(Dhegaweyne)
Maxamed Adan Dalmar(Timacade)
Cabdi Farax Yususf(catoosh)
C/Samad Axmed Cabdi(Jebiye)
C/Qadir Adan Dalmar(sanka)
Mustafe C/llahi cali
Cabdi Cumar Caahrshe
Assad C/majid Maxamud
C/llahi Maxamed Cali
Axmed C/Rashid Gani
Sacid C/Rashid Gani
Mustafe Xassan Cabdi(Ajuuke)
Maxamed jamac cabdi
Axmed jamac cabdi
Maxamed carab Ibrahim
C/samad Jamac Shaywaal(jabane)
C/llahi Cali koore
C/ Faarax Warsame
Khaddar saleebaan Ismaaciil
C/Rashiid Adan Ciise(Xayraan)
Dayib maxamed cabdi
Xassan Maxamed cabdi
C/risaq Yusuf Cartan
Xuseen cabdi faarax(Balow)
Ibrahim cali Nuux(Hoonbiye)
Xassan cabdi Faarax
Maxamed Muse farabadane
C/Rshiid Ibrahim ciise
Maxamud Xirsi warsame(Ilkacase)
Nasar xasan cabdi
Maxamed Dahir xasan
Maxames saleebaan ismaaciil
C/rashiid maxamud Jamac(boss)
Farxaan haybe Maxamed(Agoon)
Xasan maxamed cabdi(gadaal)
Maxamed Cali faarax (budhuke)
Maxamed ibrahim cali
C/Raxmaan Ismaaciil c/raxmaan(Rabsho)
Maxamed C/raxman Gani
C/llahi Khalid Adan
Maxamuud C/Risaaq Maxamed(qaddafi)
Fa’id Maxamed Cige(Jees)
Cumar C/Risaaq bashir
Axmed jamac cabdi
C/llahi Jamac cabdi
Axmed jamac Shaywaal(fadhido)
C/qaadir cabdi Cartan
cartan Adan cartan
ibrahim Yusuf Mire
C/rashiid maxamed Adan(Eretari)
Faarax Adan Cise(Police)
Cumar cali Shire (Doolaal)

wabillahi towfiiq.

Anaguna hadaanu nahay Bahweyta realtaleex.com Maamulka iyo Shaqaalahaba waxaanu tacsi taa laim ah u Diraynaa oday Saalax Cali Shire iyo Dhamaanba Qoyska Reer Awcali shire

waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu samir iyo Iimaan ka siiyo

Marxuumintana janadii ka waraabiyo

AMIN AMIN AMINA.

Realtaleex News Desk.


Jaaliyadda SSC ee Magaalada Leicester, UK Oo Tacsi U Diraysa Reer Aw Cali Shire-

Jaaliyadda SSC ee ku dhaqan magaalada Leicester ee wadanka ingiriska ayaa halkan tacsi uga diraysa reer Aw Cali Shire..

meelkasta oo ay caalamka ka joogaanbaa, isla markaasna baaq Nabadeed uu soo jeediyay bulshada ku dhaqan degmada taleex oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacday shaqaaqo run ahaantii aad looga naxay.

Waxayna ku tilmaameen inay tahay wax laga xumaado, isla markasna loo bahan yahay in lagu xaliyo is afgarad wanaagsan oo lagu soo dabaalo nabadgelyo buuxda..

Dadka diraya Tacsida:

1. Maxamed jaamac

2. Cabdinaasir cige

3. Maxamed xaaji xassan

4. Saciid ducaale

5. Maxamed xussein xassan

6. Cabdiqadir maxamed jamac

7. Suleyban abdi maxamed

8. Ibraahim maxamed aden shine

9. Maxamed jamac maxamed (Darwiish

10. Faisal maxamed awad

11. Maxamed axmed cabas

12. Maxamed salax maxamed

13. Xassan nuur jibriil

14. Casha dhalac

15. Xaawo jamac xussein

16. Cibaado xussein cibaado dirir

17. Siraad xassan maxamed

18. Qamar maxamed cali

19. Faadumo cabdi warsame

20. Safiya cige warsame

21. Caasha yaasin

22. Xaawo cabdulle

23. Suways xaaji faarax

24. Kinsi dawaca jiqil

25. Sahra caarshe.

Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan bulshadda qaybeheedda kala duwan ,oo ay ka mid yihiin odayaal dhaqameedyadda garaadada ,ugaasyada ,caaqillada ,siyaasiyiinta, ganacsatada inay uu guntadaan sidii nabad gelyada degaankaas wax looga qaban lahaa oo la filayo shirka khatumo 2 inuu dhawaan ku qabsoomo Degmadda Taleex. Nabad gelyadu waa shayga kobaad oo ay umaddu uu baahan tahay waana waajib in laga fogaado waxkasta oo bulshada dhib uu keeni kara.





Boocame:Ugaas cabdillaahi ciise ,cuqaasha ,waxgaradka & reer boocame oo u ambabaxaya taleex.

Boocame:Degmada boocame ee gobolka Sool waxaa subaxnimadii ka ambabaxaya ugaas cabdillaahi ciise iyo wafti uu hogaaminayo oo isugu jira Cuqaal,Waxgarad Culimo iyo Aqoonyahano reer boocame ah ku kuwaasoo u tagaya ka qayb qaadashada nabadaynta beelaha reer taleex.
dhanka kale xaalada taleex ayaa la sheegayaa inay deggen tahay ,waxaana soo gaadhaya degmada taleex cuqaal iyo isimo & wax garad ka kala socda gobolada sool,sanaag & cayn khaasatan kuwa maxamuud garaad iyo ugaasyada oo u badan dhinaca nugaasha.beelaha reer boohoodle ayaa sidoo kale baaq u diray iyo beesha bahararsame sidoo kale beesha jamac siyaad kuwaasoo ugu baaqaya uguna tacsiyeynayaan dhamaan intii ku geeriyootay shaqaaqada taleex khaasatan reer cali shire.



Gudoomiyaha jaaliyadda SSC Ee Sweden Abdi Khaliif Jaamac Iyo Jaaliyada Swedan Oo Tacsi Udiraya Qoyska Reer Cali Shire:

Gudoomiyaha jaaliyadda SSC ee swedan Abdi khaliif Jaamac iyo dhamaan jaaliyadda reer swedan oo tacsi guud udiraya qoyska reer ali shire geeritii ku timi labada marxuun jaamac iyo mubaarik waxaan leenahay ilaahay janadii fardowsa haka waraabiyo Aamin Aamin Aamin


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests