WAR DEG DEG AH: Qarax dad badan ku dhamaadeen oo ka dhacay gudaha Masaajid ku yaala Suuqa Bakaaraha.
Qarax xoogan ayaa maanta duhurkii ka dhacay gudaha Masaajid ku yaala Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta loo yaqaano Cabdalla Shideeye, iyadoo qaraxaas ay ku dhinteen dad fara badan halka ay ku dhaawacmeen dad kale.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya qaraxa oo ahaa labo, kuwaasoo la dhigay gudaha Masaajidka, waxaana wararka qaar sheegayaan in lala damacsanaa saraakiil ka tirsan Xarakada Alshabaab oo masaajidka ku dukada.
Qaraxa oo ahaa miino masaajidka la dhigay ayaa waxaa ka dhashay qasaarooyin fara badanm xilli dadka dukunayeen, waxaana qaraxa ugu waxyeelada badan uu ahaa mid la dhigay halka Imaamka uu dadka ku tujiyo.
Warar qaar ayaa sheegaya in Fu'aad Shongole iyo saraakiil kale oo ka tirsan Shabaab ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxaas, xilli masaajidka ay ku dukanayeen, iyadoo Masaajidkaas uu ahaa meel uu maalin walba Kutub ka jeediyo Fu'aad Shongole.
Ilaa iyo hada lama haayo tirada dhabta ah dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay, ha yeeshee dhaawacyada iyo dhimashada ayaa ahaa kuwo isku mid ah oo ay tubnaayeen masaajidka gudahiisa, waxaana la kala garan waayay dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay.