Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Bilicda Hargeysa ALLGEDO.COM

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
SLJOOFAY
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 419
Joined: Mon Aug 23, 2010 5:42 pm
Location: Somaliland my home

Bilicda Hargeysa ALLGEDO.COM

Postby SLJOOFAY » Fri Mar 18, 2011 6:52 pm

Warbixin iyo muuqaalka Magaalada Hargeysa (Masawiro)

Print here| By: allgedo.com: Monday, March 14, 2011 // 8 Jawaabood
Related Articles

Hargeysa, Somalia (AOL) – Magaalada Hargeysa waa xarunta maamulka Somaliland, waana magaalo xadaarad leh isla markaana lagu amaani karo hormar iyo dadaal wixii ka danbeeyay markii ay meesha ka baxdey Dawladii dhexe ee Somalia oo uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Hargeysa ayaa lagu tilmaami karaa iney dhinacyo badan ka gaartey hormar la taaban karo walow ay jiraan waxyaabo yar-yar oo u dhiman.

Mudada yar ee aan joogo Hargeysa ayaa waxaan si weyn ugu kuur-galey inaan wax badan ka ogaado dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Koboca Dhaqaalaha, Amaanka, Adeegyada Bulshada, iyo qaabka uu u shaqeynayo nidaamka Dimuqraadiyada Somaliland.

Halkaan ka daawo msawiro ku tusaya bilicda magaalada Hargeysa

Magaalada hargeysa ayaa aad loogu amaani karaa dhamaan dhinacyada aan ka sheekeyay iney hormar ay ka sameysey walaw ay jiraan wali dadaalo ku aadan wax ka qabadka wax yaabaha gaabiska ka ah.

Dhinaca amaanka

Hadii aan iftiimiyo ogaalkeyga amaanka Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa waa mid leysku haleyn karo, ayada oo waxyaabihii intii aan joogay magaalada sida aadka ah ii cajabiyayna ay ka mid ahaayeen markii aan arkey iyadoo suuqyada ganacsiga iyo hareeraha laamiga ay dhex gooshayaan dad cadaan ah ama Ajaanib ah, mana jirto wax –waardiye ah oo la socda dadkaasi halka deegaanada Puntland iyo Koonfurta Somalia aad loo ilaaliyo amaankooda dadka ajaanibta ah oo ayba dhacdey marar badan in afduub loogu geysto deegaanadaasi.

Image

Koboca Dhaqaalaha

Inkastoo aanan helin fursad wanaagsan oo aan ugu kuurgalo magaalada Hargeysa, balse qoraalkeyga hadii aan ku saleeyo ogaalkeyga iyo waxyaabihii aan goob jooga u ahaa koboca dhaqaalaha iyo qeybaha kala duwan ee ganacsiga ayaa lagu tilmaami karaa mid xawli ku socda, waxaana aad ku arkeysaa laamiyada Hargeysa dhamaan adeegyadii iyo waxyaabihii bulshadu isticmaasho noocay tahayba oo lagu iibinayo hareeraha laamiga iyo gobo loogu tala-galey.

Sidoo kale, waxaa dhamaan xaafadaha Hareysa ay leedahey suuqyo waaweyn oo lagu dhameystiro dhamaan adeegyada bulshada noocyadooda kala duwan.

Koboca Dhismayaasha

Bilicda iyo quruxda magaalada Hargeysa ayaa kaalin lixaad leh waxaa ka qaatey koboca dhisme-yaasha u badan dabaqyada ama fooqyada dhaadheer, iyadoo ilaa xiligaana ay socoto dhismayaal u badan daaro goobo ganacsi iyo dabaqyo kala duwan leh.

Malaheyga hadii aan ku saleeyo Hoteelada Hargeysa waa kuwo loo dhameystiray dhamaan adeegyada bulshada, waxaana dhinaca kale taasi dheer oo hormar ah iney Hoteeladaan la jaanqaadi karaan Hoteelada ku yaala qeybo ka mida dalalka Yurub ama caalamka, maxaa yeeley intooda badani waxaa ay wada leeyihiin Internet xawaarihiisu aad u sareeyo, wiishashka la raaco iyo adeegyo kale oo muhiim ah.

Image

Bulshada Reer Hargeysa

Inkastoo magaalada Hargeysa ay aad ugu yar yihiin dadka barakacayaasha ah ee kasoo hayaamey colaadaha ka taagan koonfurta Soomaliya marka loo eego deegaanada Puntland oo martigalisey kumanaan qoys oo ku leh xeryo iyo xaafado ay u hoydaan, hadana waxaa Hargeysa ku nool dad aad u badan oo intooda badan u dhashey magaalada qaarna ay ka yimaadeen gobolada Somaliland.

Dadka ku nool Hargeysa ayaa isugu jira ardey, ganacsato, xoogsato, iyo dad baagamuundo ah oo had iyo goor isticmaala maandooriyaha Qaadka, waxaana dhalinyarada reer Hargeysa ay u badan yihiin kuwo ku inta badan ku mashquulsan dhinaca waxbarashada iyadoo markaad la sheekeysatid intooda badani ay kaaga waramayaan aqoontooda heerka ay mareyso, halka ay jiraan kumanaan dhalinyaro ah oo aad ugu mashquulsan maandooriyaha loo yaqaano Jaadka ama Qaadka, had iyo goorna kaaga waramaya qiimaha jaadka iyo marqaanka ay ka helaan kolka ay isticmaalayaan.

Isticmaalka Maandooriyaha Jaadka ayaa aad ugu badan Hargeysa iyadoo ayba ii muuqatey inuusan ceeb iyo la yaab ka aheyn magaalada, halka Puntland iyo Koonfurta somaalia bulshada isticmaasha intooda badani aysan ku faanin amaba ay u isticmaalaan si qarsoodiya.

Hotelka aan ka daganahey Hargeysa oo ku yaala bartamaha magaalada ayaa intaan dhex joogo waxey dhagaheygu subaxdii ilaa galabtii ay aad u maqlaan halku dhigyo lagu xayaysiinayo magacyada iyo noocyada kala duwan ee maandooriyaha Qaadka, mana jirto xili uu ka go’an yahay Hargeysa Qaadku.

Isticmaalka baabuurta iyo noocyadooda kala duwan

Magaalada Hargeysa waxaa ku sugan baabuur aad u tiro badan oo aanan malaheyga tiro ahaan qiyaasi karin, waxaana inta badan Hargeysa oo leh laamiyo aad u tiro badan dhacda mar walba in jidku xirmo taas oo sabab u noqota badnaanta buubuurta noocyadooda kala duwan.

Dhanka kale, waxaa ii muuqatey in magaalada Hargeysa ay leedahey kala danbeyn aad u wacan oo dhinaca gaadiidka ah, kadib markii aan arkey subax ilaa saq dhexe habeenkii oo ay shaqeynayaan booliska qaabilsan baabuurta ee loo yaqaano Taraafikada, hase yeeshee haddana waxaa iila cajiibsanaa markaan arkey ilaa 3 ka mida Taraafikada oo ku guda jira hawlahooda shaqo, balse si caadi ah u isticmaalaya maandooriyaha Qaadka taas ayaana ii xaqiijisy in isticmaalka qaadku uusan ceeb ka aheyn Hargeysa.

Wadaniyada iyo daljaceylka

Shacab weynaha reer Hargeysa cadiifad ahaan waa dad aad u dhul jecel isla markaana markaad la sheekeysato aad ka dareemeyso dareen wadaniyad ay ku dheehan tahay iyo dal jaceyl ku saleysan maamulka Somaliland.

Waa dad aad u jecel iney aqoonsi ka helaan caalamka, kaasoo ku saabsan ogolaanshaha gooni isu taaga maamulka Somaliland. Badanaa waxey reer Hargeysa dad waaweyn iyo da’yarba ka siman yihiin hadal heynta aqoonsiga iyo gooni isu taaga Somaliland, iyadooba ay yar tahey kolkaad la sheekeysato isku soo dhawaanshaha iyo midnimada umada Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntiina, waxaan aad uga cududaaranayaa inaanan helin waqti dheer oo aan uga sheekeeyo magaalada Hargeysa iyadoo qoraalkani uu yahay mid ku saleysan wax yaabihii aan goob jooga u ahaa iyo malaheyga saxafinimo, ayna jiraan waxyaabo badan oo aanan xusin.

User avatar
abdalla11
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8228
Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one

Re: Bilicda Hargeysa ALLGEDO.COM

Postby abdalla11 » Fri Mar 18, 2011 8:06 pm

Magaalada Hargeysa waxaa ku sugan baabuur aad u tiro badan oo aanan malaheyga tiro ahaan qiyaasi karin, waxaana inta badan Hargeysa oo leh laamiyo aad u tiro badan dhacda mar walba in jidku xirmo taas oo sabab u noqota badnaanta buubuurta noocyadooda kala duwan.
:lol: :lol:

User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Bilicda Hargeysa ALLGEDO.COM

Postby hargaysaay » Fri Mar 18, 2011 8:27 pm

contradiction of a life time but hargaysa stil remains the second city in both population and size

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Bilicda Hargeysa ALLGEDO.COM

Postby LiQaaye_TDH » Sat Mar 19, 2011 3:09 am

contradiction of a life time but hargaysa stil remains the second city in both population and size
:up: :up: :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests